Xogta hoobiyeyaal xalay lagu weeraray aagga Villa Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Xalay saqdii dhexe Muqdisho xaafado kamid ah waxaa laga maqlay madaafiic culus oo ku dhaceysay xaafado ka tirsan degmada Warta-nabadda ee gobolka Banaadir iyo aagga Madaxtooyada Qaranka ee Villa Somalia.

Dadka Muqdisho oo u diyaar-garoobayay xalay maalintii ugu dambeysay ee bisha barakeysan Ramaadaan ayaa waxay maqleen dhawaaqa jug culus oo ku dhaceysay isla Muqdisho meelo kamid ah.

Madaafiicda ayaa waxaa lasoo warinayaa inay ku dhaceen degmada Warta-nabadda ee gobolka Banaadir, dhabarka dambe ee Madaxtooyada xaafado ku teedsan, waxaana jira khasaare ka dhashay weerarkan.

Wararka laga helayo ayaa intaas kusii daraya inay jiraan khasaare dhaawacyo, inkasta oo illaa hadda aan la ogeyn khasaare dhimasho oo ka dhashay weerarka madaafiicda ah.

Madaafiicdan ayaa saraakiisha amniga tuhmayaan in laga soo tuuray xaafado ka tirsan degmada Deyniile ee gobolka Banaadir, waxaana durba billowday baadi-goobka dadkii falkaasi ka dambeeyay.

Weerarkan ayaa imanaya xilli uu Mareykanka baahiyay digniin amni oo la xiriira weeraro qaraxyo ah iyo dagaalo toos ah oo ka dhaca hoteelo, xarumo dowladeed iyo goobo kale oo ku yaalla magaalada Muqdisho

Waxaa xusid mudan in inta badan digniinaha Mareykanka ay xigaan weeraro, inkasta oo mararka qaar ay weeraradaas ka dhacaan meelo aan aheyn goobaha laga digay.

Weli majiro war rasmi ah oo kasoo baxay hay’ddaha amniga ee dowladda Soomaaliya oo la xiriira dhacdadaan iyo digniinaha amni darro ee soo baxaya.