27.9 C
Mogadishu
Thursday, October 23, 2025

Qarax maanta ka dhacay Muqdisho + Khasaaraha

Bookmark
Bookmarked

Share

Muuqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax miino oo maanta ka dhacay xaafadda Suuqa Xoolaha ee degmada Heliwaa, kaas oo gaystay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxa ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lala eegtay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo marayay halkaasi, waxaana sidoo kale jirto waxyeelo soo gaartay dad rayid ah oo ka agdhowaa aagga qaraxu ka dhacay.

Ugu yaraan hal qof oo shacab ahaa ayaa ku dhintay qaraxa, halka ay  dhaawacyo soo gaareen qaar kamid ah askarta dowladda ee lagu bartilmaameedsaday qaraxa ka dhacay xaafadda Suuqa Xoolaha ee magaalada Muqdisho.

Ciidamada la qarxiyay ayaa sidoo kale howlgal kooban sameeyay, waxayna xireen dhaqdhaqaaqa waddada isku xirta Soos iyo Suuqa Xoolaha, inkastoo daqiiqado kadib ay dib u fureen.

Ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan weerarka qaraxa ah iyo howlgalka xigay ee ay sameeyeen ciidamada dowladda Soomaaliya.

Qaraxaan waxaa ka horreeyay mid kale oo isna todobaadkii hore ka dhacay  deegaanka Jabad Geelle oo hoostaga Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho, waxaana lala eegtay gaari ay saarnaayeen odayaal caan ah oo qaarkood ay ku dhinteen goobta lagu qarxiyay.

Odayaaaha ayaa ahaa dhul cabbirayaal, waxayna ku mashquulsanaayeen xilligaas arrimo la xiriira cabbirka dhulal ku yaalla halkaasi, si cabbir loogu sameeyo.

Qaraxaas ayaa sababay burbur xooggan oo gaaray gaariga, iyadoo laba ka mid ah odayaasha oo lagu kala magacaabi jiray Cali Kadawe iyo Maxamed Cumar ay ku dhinteen goobta. Sidoo kale askari la socday odayaasha ayaa dhaawac culus oo dhabarka ah soo gaaray.

Weeraradan qaraxyada ah ayaa imaanaya xilli muddooyinkii dambe ay yaraadeen qaraxyada miinooyinka ee lagu aaso hareeraha waddooyinka, balse dhacdooyinkan cusub ayaa cabsi iyo walaac ku abuurtay dadka deegaanka, maadaama ay sababeen dhimasho iyo dhaawac.

- Advertisement -

Read more

Local News