Faah-faahinta qarax maanta ka dhacay MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax xooggan ayaa wuxuu daqiiqado ka hor ka dhacay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Qaraxa oo ahaa nooca dhulka lagu aaso ayaa wuxuu ka dhacay meel u dhow Isgoyska Tarabuunka, gaar ahaan agagaarka Isbitaalkii hore ee DEVA.

Qaraxa ayaa la sheegay in la dhigay wadada dhinaceeda isla markasana uu khasaaro kasoo gaaray dad shacab ah oo marayey halkaas.

Inta la xaqiijiyey hal qof ayaa ku dhaawacmay oo ahaa darawal kaxeenayey mooto Bajaaj.

Wixii kusoo kordha kala soco Caasimadda Online.