CC Shakuur oo soo jeediyey 2 arrin oo lagu badbaadin karo shirka Dhuusamareb 3

Muqdisho (Caasimadda Online) – Hogaamiyaha xisbiga wadajir C/raxmaan C/Shakuur Warsame ayaa war qoraal uu baraha bulshada soo dhigay ugu baaqay madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor uu dhex-dhexaad ka noqdo gogosha uu dhigay magaalada Dhuusamareeb.

Hogaamiyaha wuxuu sidoo kale madaxweynaha Galmudug kula dar-daarmay inuu codsi u diro madaxda ka maqan gogosha marka uu noqdo mid dhex-dhexaad ka ah wax walba.

C/Raxmaan C/Shakuur ayaa sidoo kale soo bandhigay laba qodob oo lagu badbaadin karo shirka Dhuusamareb wajigiisa saddexaad ee aan ilaa iyo hadda la ogeyn sida uu ku qabsoomi karo walow ay Villa Soomaaliya sheegtay inuu furan yahay shirka.

Labada qodob uu hogaamiyaha xisbiga wadajir ku sheegay in lagu badbaadin karo shirka Dhuusamareeb waxey kala yahiin:

1. Madaxweyne Farmaajo inuu magacaabo Raysalwasaare

2. In beesha caalamka ay caddeyso iney damiin ka tahay madaxweyne Farmaajo.

HALKAAN AKHRISO HADALKA HOGAAMIYAHA WADAJIR:

Ma aha in la isku qaldo gogol, guddoon iyo go’aan.

Galmudug waxey fidisay gogol, inta kalena gogoshii Dhuusamarreeb 1 iyo 2 soo ajiibeen. Sababta Puntland iyo Jubbaland ay u diideen in ay gogosha Madaxweyne Farmaajo ee Muqdisho aqbalaan waa in ay isku haleeyeen Dhuusamarreeb oo ay u arkayeen in ay dhexdhexaad ah tahay, kama marnayn in dadka deegaanka dan siyaasadeed lagu xeerto.

Laakiin Guddoonka shirka waxaa leh Madaxweyne Farmaajo oo ka naxsanaa guulaha Dhuusamarreeb 1 iyo 2. Wuxuuna u tafa xaytay in uu fashiliyo, isagoo inkiray heshiiskii Dhuusamarreeb 1 iyo 2, kuna dooday in heshiis horay loogu gaaray Baydhabo June 2018. Sharci darro ayuu ku riday Raysalwasaarihii, isagoo ku qoonsaday maxaad qayb uga ahayd guusha shirka Dhuusmarreeb, wuxuuna ku bedeshay mid xil gaarsiin ah oo dastuurka meelna kaga ool. Waa guddoon gogol dhaan ah.

Intaa kuma ekeysan ee Farmaajo go’aankii wuxuu siiyey gole muddo xileedkiisii dhammaaday, isagoo sheegay in heshiiska lagu gaaro Dhuusamarreeb 3 uu Golaha Shacabka go’aaniisa leeyahay.

Ujeedka Farmaajo waa in uu Dowlad Goboleedyada kala dilo, shirka Golaha Ammaanka ee 20 bishan dhacaya heshiis been been ah ku dhaafo, islamarkaana uu ku eed la’aado.

Haddaba mar gardarna ninkii ka biya diida guddoonka gogol dhaanka ah, kana dhiidhiya go’aanka la siiyey Golaha (Baarlamaanka) ee muddo xileedkiisu dhammaaday, dalbadanna in la magacaabo RW oo dheellitiranka siyaasadda la dhowro.

Xeerka Ninka gogosha dhigay waa in uusan dhinacna la safan, gar eexeedna gelin, godob ka gelin raga jaalkiisa ah oo shalay wax ku xeertay, dushana u ridan eed nin kale leeyahay.

Si gogosha loo badbaadiyo waa in Madaxweyne Farmaajo uu Raysalwasaare magacaabo, madaxweynaha Galmudug-na uu dadka maqan doono, beesha caalamkana caddeyso in ay Farmaajo damiin ka tahay.