Sanbalooshe oo hal su’aal madaxweyne Farmaajo ka weydiiyey ballan-qaadkii uu u sameeyey barlamanka

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyihii hore ee hay’adda nabad-sugida iyo sirdoonka Qaranka, Cabdullahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo wareysi gaar ah siiyey Dalsan TV ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo wejiga 3-aad ee shirka Dhuusamareeb.

Sanbalooshe ayaa shaaca ka qaaday in Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) uu fashil sii hordhigay shirka Dhuusomareeb 3, kadib khudbadiisii Golaha Shacabka ee uu ku sheegay in natiijada ka soo baxda shirkaas uu kula soo noqon doono xildhibaanada baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in fariintaas ay muujineyso inuu fashilmi doono shirka, sida uu hadalka u dhigay, wuxuuna su’aal ka keenay ballanqaadka madaxweynaha ee ah inuu golaha shacabka ula soo laaban doono natiijada shirka.

“Madaxweynuhu warkiisu waa xujo, haddii uu barlamaanka xushmaynayo, muxuu u horkeeni waayey heshiisyadii uu lasoo galay dowladdaha shisheeye iyo shirkaddaha caalamiga ah,” ayuu yidhi Sanbaloolshe.

Taliyihii hore ee NISA oo hadalkiisa sii wata ayaa ka hadlay ka maqnaasha shirka Dhuusamareeb 3 ee Jubbaland iyo Puntland, wuxuuna tilmaamay inay diidan yihiin qorsha xumida Villa Soomaaliya ee ay ku kula dhantaaleyso labada Aqal ee BF sida Aqalka Sare, Golaha Shacabka iyo sidoo kale xukuumadda oo aan weli yeelan ra’iisul wasaare.

“Dowlad goboleedyada waxay diidan yihiin raysal wasaarihii shirkaan qeybta ka ahaan lahaa ma jiro, barlamaankii madaxweyne Farmaajo ayuu gacanta ugu jiraa, aqalkii sare waa la fadhiisiyay, marka yaa lala hadlaa? dalka madaxweyne iyo raysal wasaare Farmaajo ayaa ka ah,” ayuu sii raaciyey hadalkiisa taliyihii hore ee hay’adda nabad-sugida Somalia.

Hadalkiisa ayaa ku soo aadaya, iyadoo xalay saq-dhexe uu si rasmi ah u furmay shirka Dhuusamareeb 3 oo ay ka qeyb-galayaan Madaxweynaha Soomaaliya, madaxweynayaasha Galmudug, K/ Galbeed, HirShabelle iyo duqa magaalada Muqdisho, halka ay ka maqan yihiin Madaxweynayaasha maamulada Jubbaland iyo Puntland oo qaadacay shirkaasi.