Khaliif Xaftar oo sheegay in ciidamo lagu soo tababaray Somalia la geeyey Liibiya

Tripoli (Caasimada Online) – Afhayeen u hadlay dagaal oogaha dalka Liibiya ee Khaliif Xaftar ayaa sheegay in maleeshiyaad lagu soo tababaray gudaha Soomaaliya ay qeyb ka yihiin dagaallada cudu ee ka socda gudaha wadankaasi ee u dhexeeya dowladda iyo Xaftar.

Axmed Al-Mismari oo ah afhayeenka Generaalka awooda badan ee Khaliif Belqaasim Xaftar ayaa tilmaamay in maleeshiyaadkaas oo uu ku tilmaamay Calooshood u shaqeystayaal ay gaaraan illaa 300 oo askari, isaga oo xusay in Qatar ay ku soo tababartay xero ku yaalla gudaha Soomaaliya, kadibna ay geysay dalkaasi Liibiya.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in loo daad-gureeyey magaalada Misraata, si ay uga qeyb qaataan dagaalka muddada sanada ah ka socda wadanka Liibiya.

Afhayeenka ayaa sidoo kale intaasi ku daray in kooxdaasi ay hoggaaminayaan labo sarkaal oo ka soo jeeda dalka Qatar, inkastoo uusan shaacin magacyadooda.

Ma shaacin afhayeen Axmed Al-Mismari in ciidamadaas ay yihiin Soomaali in kale, marka laga tego inuu sheegay in lagu tababaray Soomaaliya.

Ugu dambeyn wuxuu goodiyey nay Beesha Calaamka la wadaagayaan macluumaadka taageerada Qatar ay siiso dagaalamayaasha shisheeye ee ku sugan dalka Liibiya.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo dhowaan ay soo shaac-baxay in Qatar iyo Turkiga ay wadaan qorshe ay ku doonayaan in Ciidamo Soomaali ahoo  ay tababareen ay ku geynayaan dalka Liibiya, si ay uga qeyb-qaataan dagaalka looga soo horjeeda mucaaradka uu hoggaamiyo Khaliif Xaftar, walow ay dowladda Soomaaliya ay beenisay wararkaasi.