Sawirro: Villa Somalia oo war kasoo saartay furitaanka shirka Dhuusamareeb 3 iyo ‘qodobo la isku afgartay’

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa guddoomiyey furitaanka Shirka Wadatashiga Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada oo ka furmay magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Villa Somalia.

Furitaanka shirka waxaa ka qeyb galay Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada, Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare, Koonfur-galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed.

Shirka ayaa waxaa ka maqan maamul goboleedyada Puntland iyo Jubaland oo qoraallo ay soo kala saaree xalay iyo habeen hore kuqaadacay shirka, waxayna soo bandhigeen shuruudo ay ka mid yihiin in beesha caalamka ay qeyb jog ka noqoto shirka.

Qoraal kasoo baxay Villa Somalia ayaa intaas ku daray in Madaxda ay iska xog wareysteen sidii loo sii ambaqaadi lahaa qodobbada muhiimka u ah wadatashiga Heer Federaal iyo Heer dowlad Goboleed, hannaanka doorashooyinka dalka, geeddi socodka siyaasadda iyo Amniga Qaranka.

Qoraalka Villa Somalia oo soo xiganaya madaxweyne Qoor Qoor ayaa intaas ku daray “in Madaxdu ay isku af-garteen qodobbo badan oo ku aaddan doorashooyinka dalka.”

Si kastaba qoraalka laguma shaacin waxa ay yihiin qodobada la isku afgartay, waxaana adkaan doonto sida ay ku hirgeli doonaan qodobo kasta oo kasoo baxay shirka, oo ay ka maqan yihiin Jubaland iyo Puntland.