Qoor Qoor oo shaaciyey in shirka Dhuusamareeb 3 uu furan yahay , fariina u diray Puntland iyo Jubbaland

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo xalay saqdii dhexe shir jaraa’id ku qabtay magaalada Dhuusamareeb ayaa shaaciyey in uu furmay wajiga koowaad ee shirka Dhuusamareeb 3, kaas oo hadda madaxweyne Farmaajo iyo madaxweynayaasha maamul goboleedyada qaarkood ay u joogaan magaaladan.

“Maanta waxaa noo furmay Shirkii Dhuusamareeb 3 oo aan isala falanqeynay qorshaha ay noo soo gudbiyeen Guddiga Farsamada Doorashada, iyada oo Madaxdu ay isku af-garteen qodobbo badan oo ku aaddan doorashooyinka dalka. Sida aad wada ogsoontihiin waxaa ilaa hadda nagala soo qeyb galay furitaanka Shirka Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Madaxweyneyaasha Dowladda Goboleedyada Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.”

Sidoo kale Madaxweyne Qoor Qoor waxa uu sheegay in ay bilaabeen falanqeynta iyo ka doodista nooca doorasho ee dalka ka dhaceysa dabayaqada sanadkan.

Madaxweynuhu waxa uu baaq u diray madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland oo diiday ka qeyb-galka shirkan, isagoo ka codsaday in reer Galmudug ay ku qadariyaan gogosha ay dhigeen.

“Walalayaal waa idin sugeynaa, noo imaada, shirka inaa ka soo qeyb gashaan ayaa rajeynayaa, ayna tixgeliyaan oo ay qadariyaan gogosha reer Galmudug,” ayuu yiri Madaxweyne Qoorqoor.

Puntland iyo Jubaland oo qoraallo soo kala saaray xalay iyo habeen hore ayaa qaadacay shirka, waxayna soo bandhigeen shuruudo ay ka mid yihiin in beesha caalamka ay qeyb jog ka noqoto shirka.

Ugu dambeyntii waxa uu madaxweyne Axmed Qoor Qoor raja ka muujiyey in shirka ay ka soo baxdo natiija wanaagsan Soomaalidu-na ay ku heshiin doonto nooca doorasho ee dalka ka dhici doonta.