Faah-faahinta qaraxii Garoowe iyo Puntland oo ka hadashay xaaladda xubnaha lala beegsaday

Garoowe (Caasimada Online) – Weerar uu fuliyey qof naftiisa hallige ah oo isku soo xiray waxyaabaha qarxa ayaa caawa lagu qaaday guddoomiyaha gobolka Nugaal ee Puntland Cabdirisaaq Xasan Xirsi iyo kolonyo uu la socday.

Ruuxa is-miidaamiyey ayaa waxaa la sheegay in uu beegsaday gaariga uu lasocday guddoomiye Cabdirisaaq, xilli uu marayey afaafka hore ee saldhigga magaalada Garowe.

Wasiirka arrimaha gudaha ee maamulka Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook, ayaa sheegay in guddomiyaha iyo xubno la socday ay dhaawacyo kasoo gaareen weerarkaas.

Sidoo kale wasiir Dhabancad ayaa Alle caafimaad uga baryey guddoomiyaha gobolka Nugaal iyo xubnaha kale ee ku dhaawacmay qaraxaas.

“Allaha u sahlo Guddoomiyaha Gobolka Nugaal iyo dhamaan intii ku dhaawacantay qarax ismiidaamin oo caawa ka dhacay Garowe. Guddoomiyaha Gobolka Mudane Gujir waa dhaawac, waana lala tacaalayaa,” ayuu qoraalkiisa ku yiri wasiirka arrimaha gudaha Puntland.

Wararka aan ka heleyno weerarkaas ayaa waxa ay intaas ku darayaan in taliyihii hore ee booliska gobolka Nugaal, Faarax Galangooli uu ku jiro mas’uuliyiintii la socotay gudoomiyaha ee ku dhaawacmay qaraxaas.

Qaraxaan ayaa dhacay 7:30pm ee caawa, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen dad ku sugan Garowe, welina ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkaas loo adeegsaday qaraxa is-miidaaminta ah.