FAAH-FAAHIN buuxda oo ku saabsan dagaalladii maanta ee beelaha HABAR-GIDIR iyo Biyo-Maal

Marka (Caasimada Online) – Gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa markale u muuqdo mid ay ka soo cusboonaadeen dagaal beeleedyo, iyadoo galabta ay Magaalada Marka ku wada dagaalameen laba ka mid ah beelaha wada degga Gobolkaasi oo kala ah Habar-Gidir iyo Biyo-Maal.

Dagaalkii galabta oo bilowda 3-dii galabnimo, ayaa qaatay muddo dhowr saacadood ah, ilaa kolkii dambe ay soo kala dhex galaan Ciidanka Midowga Afrika ee Amisom.

Dadka deegaanka, ayaa waxay Ciidamada Amisom ku eedeeyeen inay indhaha uun ka daawanayeen, intii dagaalka culus uu beelahaasi ku dhex maraayay Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose.

Dagaalkan, ayaa sababay khasaaro dhimasho, dhaawac iyo mid maaliyadeedba leh, iyadoo dhinacyadaasi ay dhaawacyada u kala qaateen goobaha, ay kaga sugan yihiin Magaalada Marka.

Tiro dumar ah oo dadka deegaanka ka tirsan, kuna waxyeeloobay rasaastii dagaalka leesku adeegsaday, ayaa waxaa dhaawacyadoodu la geeyay Isbitaalka Guud ee Marka, halkaasoo xaaladooda wax looga qabanaayo.

Mudadii uu dagaalku ka soconaayay Magaalada, ayaa waxay qoysas fara badan ka carareen guryahooda, si aynaan wax saamayn ihi ugu yeelan dagaalka ka soo cusboonaaday deegaankooda.

Nin ka mid ah dadka deegaanka oo diiday in magaciisa Warbaahinta loo adeegsado, ayaa sheegay in labada dhinac ay weli isku hor fadhiyaan goobihii ay ku wada dagaalameen, marka laga soo taggo in Amiom ku kala dhex jirto.

Dagaalku wuxuu ku soo aadayaa, iyadoo la shaaciyay in la soo afjaray dagaalkii beelahaasi u dhaxeeyay, xilli sanadihii ugu dambeeyay uu dagaalku ku soo noq noqday Gobolka Shabeellaha Hoose.

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa billo ka hor sheegay inay soo gaba gabeeyeen xurguftii beelahaasi u dhaxeysay, iyana ay ka aqbaleen inay nabadda qaadanayan, sida uu yiri.

Caasimada Online
Xafiiska Marka
Caasimada@live.com