Sawirro: Hotel-ka SYL: Astaan u taagan ku takri-falka hantida qaranka (Maxaa ka socda halkaas?)

Dowladihii isaga danbeeyay talada dalka xiligii kumeelgaarka iyo dowladda hadda dalka ka jirta oo mid rasmi ah lagu tilmaamo waxaa si baaxad leh u socday ku takri falka hantida qaranka, iyadoo ay ka siman yihiin hogaanka sare, wasiirada iyo mas’uuliyiinta ka hooseysa.

Dhismaha hadda loo yaqaan Hotelka SYL wuxuu ahaa dhisme ay dowladii Soomaliyeed ee hore hirgelisay, waxayna dagaaladii sokeeye ee 1991 dhaceen iyadoo uu gabagabo ku dhowaa dhismahan balaaran oo ay lahaayeen ururkii dhalinyarada ee hoos tegi jiray Wasaaradda Dhalinyarada iyo Isboortiga. Waxaana loogu talo galay in lagu qabto shirweynayaasha dhalinyarada Soomaaliyeed.

Muddo dheer kadib dagaaladii sokeeye wuxuu dhismahan noqday mid aan si la adeegsan walow uu ahaa dhisme adag oo si fiican loo dhisay, waxayna arrintiisu soo gaartay xiligii dowladii KMG ahaa ee Sheekh Shariif, markaasoo loo helay deeq lagu dayactiro.

syl 1Dowladda Denmark ayaa ku deeqday dayactirka dhismaha SYL, waxaana mashruuca dayatirka fuliyay gobolka Banaadir oo xilligaasi uu madax ka ahaa Mudane Maxamed Axmed Nuur (Tarsan). Kharashka deeqda ah ee dhismaha SYL lagu dayac tiray wuxuu ahaa 370,000 (Saddex boqol iyo toddobaatan kun oo doolar) iyadoo dowladda Soomaaliya loogu talo galay inay adeegsato.

Laakiin maxaa dhacay markii dayactirkaasi dhammaaday waxaa  dhismaha SYL la wareegay dowladda waxaana markan talada heysa xukuumadii Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyo madaxweyne Xasan Sheekh.

Waxaa dhismaha hunguri ka galay dad fara badan oo doonayay inay qaabab kala duwan ku helaan hantidaas dowladeed laakiin waxaa markii danbe lagu bixiyay heshiis mugdi ah oo la yaab leh, waxaana ku lug yeeshay dadka soo socda:

syl 2

  • Ra’iisal wasaare Saacid iyo afadiisa
  • Wasiirkii arrimaha gudaha ee xilligaasi
  • Iyo Wasaaradii dhalinyarada oo markaas raacsaneyd warfaafinta  wasiirkeedii iyo agaasimaheeda guud

Waxaa la isku soo duba riday heshiis dhismaha loogu kireynayo laba qof oo markii danbe saddex  noqday, heshiiskaasi wuxuu dhigayay:

  • In la kireeyay dhismaha SYL
  • In sanadkii lagu kireeyay lacag gaareysa $7000
  • In heshiiskaasi soconayo muddo 30 sanadood ah

Arrintan waxay u hirgashay sidii loogu talo galay, shirkadda saddexda qof ee hantidan qaranka la wareegay waxay ku sameeyeen dhismaha qurxin iyo qalabeyn heer sare ah, wuxuuna muddo dhowr bilood kadib ah noqday hotel dowlada Soomaaliya ku hirato.

Hotelka oo aad ugu dhow madaxtooyada waxaa hadda degan in ka badan 60 xubnood oo isugu jira wasiiro iyo mas’uuliyiin dowladeed, waxaana habeen kasta ay bixiyaan lacag u dhaxeysa ($60-$130), marka lacagtaas loo eego tan lagu kireeyay waxaa kuu soo baxaysa heerka ay gaarsiisan tahay ku takri falka hantida qaranka iyo sida hantidii danta guud marka lagu bixiyo sharci darro haddana lagu luminayo lacagtii qaranka oo dib loogu celinayo dad gaara oo  asal ahaan dhisme dowlad leedahay la siiyay.

syl 3Mar kasta oo hotelkaasi aad booqato waxaad la yaabeysaa sida wasiiradeenii, madaxdii Qaranka iyo saraakiishii wadanka ugu faraxsan yihiin iyagoo aan dib u eegin  goobta ay joogaan.

Milkiilayaasha Hotelka SYL (Magacyadooda iyo faahfaahintooda markii loo baahdo ayaanu soo daabici doonnaa insha Allaah) ee sidaasi ku hantiyay dhismahaasi ma jirto cid dib u eegtay ama kula xisaabtantay hantidaasi, xilli ay dowladda Fedeaalka dhaqaale darro heysato oo ay ka doodayaan sidii ay dhaqaale u heli lahayd xukuumadda.

Ku takri-falka hantida waxay ka mid tahay dhibaatooyinka ugu waaweyn ee hortaagan dowladnimada, waxayna xal u helideeda fure u noqon doontaa dagaal run ah oo dowladdu la gasho musuqmaasuqa. Baarlamaanka, xukuumadda iyo hanti dhowrka guud waxaa looga fadhiyaa inay soo celiyeen hantida qaranka ee sida khaldan ku maqan iyo dib ugu laabashada heshiisyada noocan oo kale ah.

Isha goobjooge