Beesha MURUSADE oo soo saartay go’aanno ku saabsan masiirka caasimada Muqdisho + Sawiro

War-murtiyeed  – Shirweynaha Beelweynta Murusade

“Aragtida Masiirka Caasimadda Muqdisho” 

Muqdisho, May 24, 2015 – Waxgaradka Beelweynta Murusade ayaa isugu yimid maanta shirweyne uga furmay Caasimadda Muqdisho, shirweynahaas ayaa waxaa looga arinsaday Maqaamka Caasimadda Muqdisho/Gobolka Banaadir.

Waxgaradka kasoo qeybgalay Shirweynaha waxay hoosta ka xariiqeen arimo dhowr ah oo ay ugu horeyso:

  1. Muqdisho waa caasimadda umadda Soomaaliyeed, waa astaan ka mid astaamaha qaranka iyo midnimadda umadda Soomaaliyeed, waa xarunta hey’addaha Federaalka Jamhuuriyadda Soomaaliya, waa fadhiga safaaradaha caalamka ee aanu xiriirka diblomaasiyaddeed leenahay, waa saldhiga hey’adaha dowliga ah iyo kuwa aan dowliga aheyn ee ka howlgala Soomaaliya.
  1. Muqdisho waa magaalo madax ka dhaxeysa dhamaan umadda soomaaliyeed, waxaa hanti ma guurta ah iyo maalgashiba ku leh soomaali oo dhan, kaabayaasha waaweyn ee dhaqan-dhaqaale ee ku yaala Muqdisho waa hanti qaran.
  1. Qodobka 9aad ee Dastuurka KMG Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya wuxuu si cad u qeexayaa in Muqdisho yeelan doonto maqaam gaar ah, waxaana sharci gaar ah kusoo saari doona Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Hadaba, Beelweynta Murusade oo ka mid ah beelaha soomaaliyeed ee dega Caasimadda Muqdisho, waxay soo jeedineysaa qodobadda soo socda:

  1. In Beesha Hawiye ay horseed u noqoto dib – u- heshiisiinta, nabad ku-wada noolaashaha umadda soomaaliyeed ee degan caasimadda, kana fogaado wax kasta oo dhaawici kara soo nooleynta sharafka iyo maqaamka caasimadda.
  1. In Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya si deg deg ah ugu dhaqaaqo dejinta sharciga Maqaamka Caasimadda Muqdhso, si loo dardar-geliyo dib- u-heshiisiinta umadda & Federaaleynta Dalka.
  • In dejinta sharciga maqaamka caasimadda laga talo geliyo dhamaan bulshada deegaanka, gaar ahaan beelaha aan hubeysneyn ee xamar deganaa fac ka fac, kuwaas oo ay hogaaminayaan dhaqankooda & siyaasiyiintooda intaba.
  1. In dadka deegaanka Muqdisho yeeshaan xuquuq siyaasadeed, mid maddani iyo mid dhaqan- dhaqaale oo la mid ah xuquuqda walaalahooda kale ee degan goboladda dalka.
  1. In Beelaha Soomaaliyeed ee degan Muqdisho ay iska kaashadaan horumarinta, dib-u-dhiska, xasiloonida iyo soo celinta bilicda caasimadda, si hufanna uga qeyb-qaataan wada tashiyadda la xiriira dejinta sharciga maqaamka caasimadda si loo xaqiijiyo in ay helaan xuquuqdooda oo taam ah.

murusade 1murusade 2murusade 3murusade 5