FADEEXAD: Dadkii dilay xildhibaan Yuusuf Dirir oo la aqoonsaday iyo DF SOMALIA oo shaacisay

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay cidii ka dambeysay dilkii iyo dhaawacii loo geystay xildhibaano ka tirsanaa baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaan Yuusuf Dirir ayaa shalay lagu dilay wadada Maka Al Mukarama ee magaalada Muqdisho kadib markii rasaas lagu furay gaari ay saarnaayeen isaga iyo xildhibaan Cabdalle Boos.

Afhayeenka wasaarada amniga Maxamed Yuusuf Cismaan, oo saxaafada kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa shaaciyay in baaritaano ay sameeyeen ku ogaadeen dadkii ka dambeeyay dilka iyo dhaawaca xildhibaanada.

Afhayeenka wuxuu sheegay in xildhibaanka dilkiisa ay ka dambeeyeen ciidamo ka tirsan militariga Soomaaliya kuwaasi oo si ku talo gal ah ku rasaaseeyay xildhibaanka.

Afhayeenka wuxuu sheegay in gaariga xildhibaanada ay la socdeen ay uu ka daba yimid gaari Cabdi Bille ah, kaasi oo hoonka u yeeray muddo badan laakiin uusan siin wad seed ah sida uu sheegay.

Waa fadeexadii ugu weyneyd in ciidamada dowlada Soomaaliya ay si bareer ah magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, laakiin Caasimada Online ayaa wado baaritaano ku aadan xaqiiqda dhabta ah ee ka dambeysa dilka xildhibaanada.

Inkasta oo dowladda ay goordhow qirtay in dilka ay ka dambeeyeen ciidamada dowladda, haddana Caasimada Online saaka ayay xog gaar ah oo ay heshay ku shaacisay arrintan, waxaana soo baxay iminka xaqiiqda xogteenii saaka. Halkan ka aqri warkii aan qornay saaka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com