Dowladda Ethiopia oo war kasoo saartay ciidamo kuweeda ka tirsan oo xoog ku qabsaday KENYA!

Nairobi (Caasimada Online) – Dowlada Ethiopia beenisay warar sheegaya in 50 kamid ah askartooda ay ku duuleen lana wareegeen saldhig ciidamada Kenya ay lahaayeen oo ku yaala deegaanka Marsabit ee gudaha dalka Kenya.

Safiirka cusub ee dowlada Ethiopia u magacowday dalka Kenya Mr Dini Mufti ayaa sheegay in eedeymayaasi ah in ciidamo xoogan iyo saraakiil boolis ay ka gudbeen dhanka xuduuda ay yihiin kuwo waxba aysan ka jirin oo dacaayad ah.

Laakiin wuxuu sheegay in ciidamadaasi ay dhowrayeen amaanka xuduuda maadaama la isku diyaarinayay doorashada dhamaadka bishaan May ka dhaceyso dalka Ethiopia.

Gudoomiyaha deegaanka Marsabit Peter Thuku ayaa horey u beeniyay wararka la xiriira in ciidamada ay qeyb ka ahaayeen AMISOM si ay u hubiyaan dhanka xuduuda dalka ay doorashada ka dhaceyso.

“ma jirto sabab ciidamada Ethiopia ay ugu fakaraan iney ku duulaan dalka Kenya, waana warar qiyaali iska ah warkaasi”sidaasi ayuu saxaafada u sheegay safiirka dowlada Ethiopia ee dalka Kenya.

Wuxuu sheegay in ciidamada aysan ku raad joogin wax jabhad ah, wuxuuna intaasi raaciyay in waligood aysan Kenya weerari doonin.

Maalintii arbacada waxaa saxaafada ay baahisay in cidiamada Ethiopia ay gudaha u galeen dalka Kenya iyaga oo wada 10 gaadiidka dagaalka ayna la wareegeen saldhig muhiim ah oo ciidamada Kenya ay lahaayeen.

Caasimada Online
Xafiiska Kenya
Caasimada@live.com