Taliyihii booliska Kismaayo oo xilka iska-casilay

Kismaayo (Caasimada Online) – Taliyihii booliska magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ayaa ku dhawaaqay inuu iska iska casilay xilkii uu ka hayay taliska booliska Jubbaland.

Taliyaha ayaa sheegay in is casilaad ay aheyd mid dhankiisa ka timid oo uusan jirin wax cadaadis oo uu kala kulmay dhanka saraakiisha ka sareyso iyo madaxda maamulka Jubba.

Korneyl Gaboobe Xasan Barre ayaa is casilaada ka timid dhankiisa wuxuu kusoo saaray war qoraal ah, walina lama ogaan xogta dhabta ah ee ka dambeys iscasilaadiisa,

Muddo sanad ah ayuu xilkaasi hayay oo waxaa loo magacaabay xilkaan bishii May ee sanadkii lasoo dhaafay.

Madaxda maamulka Jubba ayaa ka aqbalay taliyahaasi iscasilaada u ku dhawaaqay maanta.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com