Ciidamada DFS oo ku dagaalamay MUQDISHO !!

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa goordhow Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho ku dagaalamay Ciidamo kawada tirsan Dowlada Somalia.

Ciidamada dagaalamay ayaa la sheegayaa inay ahaayen kuwa Nabadsugida iyo Daraawiishta Gobolka Banaadir, kadib markii uu dagaalka ka dhashay lacago laga qaado gaadiidka taga Gobolada Dhexe.

Rasaasta hore ayaa waxaa furay Ciidamada Nabadsugida waxaana ku dhintay askari ka mid ah Ciidanka Daraawiishta, iyadoo markii dambe ay soo kala dhex galeen ciidan kale oo ka tirsan laamaha amniga Gobolka Banaadir.

Dagaalkaani ayaa waxa uu imaanayaa iyadoo labadaani asbuuc ay sii kordhayaan dagaalada dhex maraayo Ciidamada DF Somalia oo badi aan laheyn nidaam lagu kala xakameeyo.

Ilaa iyo hadda ma jirto cid ka hadashay iska horimaadka ka dhacay Suuqa Bakaaraha.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com