Faahfaahin dheeri ah oo ku saabsan hakinta howlaha safaarada Somalia ee Kenya

Nairobi (Caasimada Online) – Safiir ku-xigeenka safaarada Soomaaliya ay ku leedahay dalka Kenya Danjire Suudi Said Sudi oo ka hadlay amarkii lagu hakiyey howlaha safaarada Soomaaliya ee Kenya, ayaa sheegay in ay tahay arrintaas dadaal ay samaysay safaaradda, si muwaadiniinta Soomaaliyed ee ku nool Kenya looga ilaaliya xanuunka Covid-19.

Danjire Suudi Said Sudi ayaa ku macneeyay xirnaanshaha safaarada talaabo horay loo qaaday, waxa uuna sheegay in safaaradaha caalamka ee ku yaal Kenya ay ayaguba gaabiyeen shaqadii ay ka hayeen halkan.

“Dalkaan ayaa laga yabaa in uu galo xaalad deg deg ah, maadaama Arbacada maanta ah lagu dhawaaqay in la xirayo garoomada iyo goobaha laga soo galo Kenya, sidaas oo kale ayaan ugu tala galnay in aan ilaalino bad qabka muwaadiniinta Soomaaliyeed ee imaanaya safaaradda,” ayuu yiri Suudi Said Sudi, safiir ku-xigeenka safaarada Soomaaliya ee Kenya, oo aan wax ka waydiiyay amarka lagu xiray safaarada Soomaaliya ee Kenya.

Sidoo kale danjire Suudi Said Sudi ayaa sheegay in safaarada la furi doono hadii xaalka uu soo hagago, hadii kalana dadka ay kala hadli doonaan warbaahinta.

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo uu safiir ku-xigeen ka yahay Suudi Said Sudi halka danjire Tarsana uu ka yahay safiir ayaa waxay Soomaalida ku nool Kenya u qabataa shaqooyin ay ka mid yihiin bixinta Passaport-ka Soomaaliga, iyo arrimo kale oo ku aadan fududeenta safaaradaha caalamka ee Kenya, qofkii ay u arkaan in uusan Soomaali ahayn oo lagu amrayo in uu caddayn ka soo qaato safaarada Soomaaliya, si loo xaqiijiyo Soomaalinimadiisa.

W/Q: Cabdixakiiin Cilmi Xasan
Cabdixakiin441@hotmail.com