Mahad Salaad oo sheegay ‘cida ka dambeysay ciidan la geeyey’ guriga Shariif

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku eedeeyey inuu isaga ka dambeeyo Ciidamada habeenadaan tagayey guriga madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed.

Xildhibaanka ayaa tallaabadaas ku tilmaamay inay tahay dhiilo coleedeed oo laga dhex abuurayo bulshada Soomaaliyeed, sida uu hadalka u dhigay.

Xildhibaan Mahad Salaad ayaa sheegay in cawaaqib xumada ka dhalata arrintaas uu qaadayo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

“Ciidamada Madaxweyne Farmaajo habeenadaan dul geynayay guriga Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif waa dhiilo colaadeed oo aan laga fiirsan, cawaaqib xumada ka dhalatana mas’uuliyadeeda waxaa qaadaya Madaxweyne Farmaajo!” Ayuu yiri Mahad Salad.

Hadalka kasoo yeeray Xildhibaan Mahad Salaad ayaa imaanayo kadib markii habeen hore ciidamada booliska gaarka ah ay Haramcad ku roondeeyeen laba wado oo hore iyo gadaal ka marta guriga madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ku yaala agagaarka Airport-ka Muqdisho, sida ay xubno ku dhow Shariifka u sheegeen Caasimada Online.

Ku dhawaad saacad kadib marki ay ciidamada joogeyn nawaaxiga guriga Sheekh Shariif waxaa goobta soo gaaray ciidamo ka tirsan Milateriga Soomaaliya kuwaas oo tagay meel u dhaw guriga madaxweynihii hore ee Soomaaliya, waxaana lagu sheegay in ay ahaayeen ciidan arrintaan ku soo baxay.

Ciidamada Milateriga ah oo beelo kala-duwan ka soo jeeda ayaa ka soo dagay gawaari ay wateen, waxayna fariisteen meelo kala-duwan oo guriga laga galo lagana soo baxo, waxayna qaarkood ay dhowr-jeer hormareen ciidanka Haramacad, arintaas oo dhalisay baqdin xoog leh iyo cabsi laga qabo in uu dagaal si fudud ku qarxo.

Ciidankaan ayaa ka tirsan milateriga Soomaaliya basle waa ciidan aaminsan in ay waajib ku tahay difaaca Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, oo ay sheegeen in ay daan-daansi u heyso dowladda Soomaaliya iyo in uusan mudneen habka ay kula dhaqmeyso dowladda Soomaaliya.