Faahfaahin: Dhimashada dab shalay gelinkii dambe ka kacay Garowe oo korodhay

Garoowe-(Caasimadda Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa dab habeenkii xalay ahaa ka kacay kaalin shidaal oo ku taallay magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.

Saddex ka mid ah dadkii dhaawacmay oo gaarayay 8 Qof ayaa ku dhintay Isbitaalka weyn ee Garowe iyo Isbitaallo gaar loo leeyahay oo ku yaalla Magaalada.

Dadka dhaawacyada ah ee aadka u gubtay ayaa lagu waday in loo soo wareejiyo magaalada Muqdisho si wax looga qabto hayeeshee saaka ilaa xalay saqdii dhexe ayey dhinteen saddex ka ka mid ah.

Ma jirin wax dab damis ah oo goobtaasi gaaray balse waxaana dabkii shalay ka kacay kaalinka shidaalka ee khasaaraha badan geystay damintiisa ka qeyb qaatay sharikadaha  Ceelasha Biyaha iyo Dadka degaanka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com