Faahfaahin ku saabsan heshiiska cusub ee qaab-dhismeedka Amniga Qaranka

Muqdisho (Caasimada Online) – La-taliyaha Amniga Qaranka ee Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Kamaal Daahir Xasan Guutaale oo wareysi gaar ah siiyay VOA ayaa sharraxaad ka bixiyay heshiiska cusub ee qaab-dhismeedka amniga qaranka ee lagu gaaray Baydhaba.

Kamaal Guutaale ayaa shaaca ka qaaday in heshiiskan uu daba socdo heshiisyadii April 2017-kii lagu saxiixay magaalooyinka Nairobi iyo London ee dalalka Kenya iyo Ingiriiska.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in heshiiskan uu mudnaanta ugu weyn siinayo ciidamada kala duwan ee Somalia, isla-markaana ay ku jirto tirada cusub ee la gaarsiinayo ciidanka.

“Heshiiska qaab-dhismeedka amniga qaranka ciidamadeena dhan ayuu kofor-gareynayaa ama uu u yahay saldhig,” ayuu yiri Kamaal Guutaale

La-taliyaha Amniga Qaranka ee Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Kamaal Daahir Xasan Guutaale ayaa sidoo kale tilmaamay in heshiiska lagu soo daray ciidanka Asluubta iyo kuwa Nabad Sugidda, halka uu markii hore ku koobnaa Booliska iyo Ciidanka Xoogga dalka.

Waxa kale oo uu intaasi kusii daray in tirada la gaarsiinayo illaa 30,000 oo askari oo aysan ku jirin ciidamada Cirka, kuwa Badda iyo ciidamada gaarka u tababaran ee Kumaandooska

“Tirada ciidanka Xoogga dalka waxaa la’isla gartay inay ahaato ugu yaraan 30,000 oo ay ka baxsan yihiin ciidanka Cirka, ciidanka Badda iyo ciidamada gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska ah,” ayuu markale wareysigaan ku yiri Kamaal Daahir Xasan Guutaale

Sidoo kale wuxuu raaciyay “Markii hore ciidankeena heshiiska waxa uu ahaa 18,000, maanta waxaan gaarsiinay 30,000 wax kalena ulama dan lihin waxaa maanta dowladda Soomaaliyeed ay xoogga saareysa kala wareegida mas’uuliyadda amni ee ciidanka ATMIS”.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in qorshahan ay diyaarisay dowladda Soomaaliya, islamarkaana askari kasta oo ka tirsan ATMIS ay beddali doonaan ugu yaraan sadex askari.

“Askari kasta oo ATMIS ah oo baxa askari beddali lahaa ugu yaraan saddex askari oo u dhigma in lagu beddalo ayaa innoo diyaar ah, waana ku soconaa tiradii loo baahnaa” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay La-taliyaha Amniga Qaranka ee Ra’iisul Wasaare Xamza.

Soomaaliya ayaa haatan ku jirta marxalad dagaal oo ka dhan ah Shabaab, waxayna sidoo kale dhanka kale ay ku howlan tahay dib u dhiska ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.