Soomaaliya oo wada qorshe cusub oo lagu xadidayo dhaq-dhaqaaqa TikTok

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa wada qorshe lagu xadidayo dhaq-dhaqaaqa aalladda TikTok, xilli uu dalka ka socda dagaal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

Maareeyaha Guud ee hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) Mustafa Yaasiin Sheekh ayaa kulan fogaan-arag ah la qaatay Madaxda TikTok u qaabilsan xiriirka dowladda ee dalalka Afrika.

Kulankaan ayaa waxaa looga wada-hadlay tallaabooyinka ay labada dhinac iska kaashan karaan ee lagu hakin karo in TikTok lagu faafiyo wararka argagixisada, sida ay shaacisay HIQ.

Maareeyaha iyo madaxda TikTok ayaa sidoo kale lafa-guray sidii dadka Soomaaliyeed ee isticmaala madashaas ay uga heli lahaayeen xog sugan oo waafaqsan qiyamka, anshaxa, iyo shuruucda dalka.

Maareeyaha guud ee HIQ ayaa sheegay in siyaasadda TikTok-ga  ee ku wajahan Soomaaliya la waafajiyo shuruucda dalka sida: sharciga isgaarsiinta qaranka, sharciga saxaafadda iyo shuruucda kale ee saameynta ku leh adeegyada TikTok.

Hay’adda Isgaarsiinta iyo TikTok ayaa ugu dambeyntiina isku afgartay in ay si dhow uga wada shaqeeyaan ka warbixinta iyo hoos u dhigista warbixinnada sharci-darrada ah ee ku jira madasha TikTok ee aan waafaqsanayn habraaca ilaalinta bulshada.

Dowladda federaalka ayaa hore si dag uga hadashay muuqaalada anshax xumada ah ee lagu baahiyo TikTok, ayada oo uga digay dhallinta in ay ka fogaadaan waxyaabaha diinteenna suuban ka hor imaanaya.

Waxaa dhowr jeer maxkamadaha dalka kasoo muuqday dhalinyaro aalladan kusoo bandhigay muuqaalo ay iska duubeen iyo waxyaabo ka hor imanaya shuruucda dalka.