Faahfaahin ku saabsan qaabkii ay u dhacday xil ka qaadistii lagu sameeyey Guddoomiyihii Baarlamaanka iyo Madaxweyne ku xigeenkii Galmudug

Cadaado (Caasimadda Online) – Waxaa daqiiqado ka hor Magaalada Cadaado kusoo dhamaaday kulankii ugu ballaarnaa oo ay yeesheen Xildhibaanada Maamulka Galmudug kaasoo xilka looga qaaday Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Galmudug Maxamed Xaashi Carabey iyo Guddoomiyihii Baarlamaanka Cali Gacal Casir

Kulanka oo looga yeeray Saxaafadda Cadaado ku sugan ayaa waxaa kasoo qeyb galay sida la xaqiijiyey 52 Xildhibaan oo isug imaaday howlka shirarka ee Baarlamaanka.

Kulanka ayaa waxaa shir guddoominayey guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka Xareed, waxaana sidoo kale goobjoog ahaa Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Marka ugu horeysay Madaxweyne ayaa Xildhibaanada ka codsaday in Maanta loo baahan yahay inay badbaadiyaan Galmudug isla markaasna ay xilka ka qaaddaan Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo ku xigeenkiisa.

Waxaa lagu heshiiyey in marka hore lagu bilaabo Guddoomiyaha Baarlamaanka Casir, waxaana cod loo qaaday aqbashay in xilka laga qaado guud ahaan Xildhibaanadii kasoo qeybgalay kulankaas oo gaarayey 52 xildhibaan oo aqoonsigooda laga hubiyey.

Wuxuuna Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Galmudug  Xareed ku dhawaaqay inay sax tahay xil ka qaadista lagu sameeyey Guddoomiyaha Baarlamaanka, wuxuuna soo jeediyey inay xildhibaanada mar kale cod u qaadaan Madaxweyne ku xigeenkii Galmudug Carabey.

Mar kale wuxuu Guddoomiye ku xigeenka ku dhawaaqay in Madaxweyne ku xigeenkii Xilka laga qaaday kadib markii ay u codeeyeen xil ka qaadistiisa ilaa 49 Xildhibaan, halka 2 ay ka aamuseen halna uu diiday in xilka laga qaado.

Sidaas ayuuna Guddoomiye ku xigeenka ku dhawaaqay inay ansax tahay xil ka qaadistaas isla markaasna ay diyaarin doonaa guddigii doorashada qaban lahaa si maamulka shaqadiisa uu isoo guto.

Madaxweyne Xaaf ayaa ugu dambeyntii Xildhibaanada uga mahadceliyey sida ay u garteen inay Caawa badbaadiyaan Maamulka Galmudug oo uu sheegay in laga soo weeraray Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Waxaan xoogaa kadib idiin soo gudbin doonaa Sawirada iyo qaabka ay u dhacday xil ka qaadistaas.