Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Beeraha Soomaaliya, Maxamed Xayir Maareeye oo ka hadlay hawlgalka qodista shidaalka Soomaaliya oo haatan si rasmi ah u bilaabanaya ayaa sheegay in faa’iidada ka dhalan doonta soo saarista shidaalka Soomaaliya ay gaari doonto Somaliland.
Wasiir Maareeye ayaa tallaabadan ku tilmaamay mid astaan u ah furitaanka bog cusub oo ku saabsan ka faa’iidaysiga khayraadka dabiiciga ah ee ku jira badda Soomaaliya.
Wasiirka ayaa caddeeyay in faa’iidada ka dhalan doonta shidaalka la soo saarayo ay gaari doonto dhammaan shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, isagoo carrabka ku adkeeyay in aan la kala reebi doonin dadka Soomaaliyeed.
“Inkasta oo Somaliland ay ku maqan tahay khilaafaadka ka jira gudaha Soomaaliya, haddana waxay qayb ka tahay ummadda Soomaaliyeed, waxaana faa’iidada ka dhalanaysa shidaal soo saaristu ay gaari doonto dhammaan shacabka,” ayuu yiri Wasiir Maareeye oo maanta ka qeyb-galay munaasabadda soo dhoweynta markabka Turkiga ee qodaya shidaalka ee Çağrı Bey.
Sidoo kale wuxuu xusay in mashruucan uu leeyahay muhiimad qaran oo ballaaran, isagoo tilmaamay in uu horseedi doono isbeddel dhaqaale oo xooggan, isla markaana uu sare u qaadi doono rajada shacabka Soomaaliyeed ee mustaqbalka.
Mashruucan ayuu sheegay haddii uu si dhab ah u miro dhaliyo uu dalka u horseedi doono barwaaqo dhaqaale, shaqo abuur ballaaran iyo in Soomaaliya ay noqoto dal soo jiita maalgashi caalami ah.
Hawlgalka baadhista shidaalka ee ay Turkigu ka wadaan Badda Soomaaliya ayaa qayb ka ah heshiis iskaashi oo labada dal ay horay u galeen, kaas oo diiradda saaraya sahminta iyo horumarinta khayraadka shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah.
Si kastaba, mashruucan ayaa la filayaa inuu xoojiyo awoodda Soomaaliya ee ka faa’iidaysiga khayraadkeeda dabiiciga ah, isla markaana uu albaab cusub u furo fursado dhaqaale oo ballaaran oo mustaqbalka fog wax ka beddeli kara dhaqaalaha dalka.

