Faallo: Beesha ABSAME xil ma waayin ee Xuseen Xalane baan fool Dhaqin !!!!

Horudha:

Maalmahaan waxaa la isla dhex maraayey in Beesha Absame xilkii ra,iisulwasaaraha weyday,sababtuna ay tahay in aysan u qalmin.

Haddaba waxaan Akhristayaasha Maqaalkaan ugu sheegayaa in Beesha Absame xil walba oo dalka yaala u qalanto,se sababta maanta ay u weysay ay tahay ayagoon xalane dirsan .

waxaan taas ka wadaa Soomaalida ayaa horay ugu maahmaahday : ( far kaliya fool ma dhaqdo ) marka xalane wuxuu ahaa Nin Kaligiis iska ordaayey, Xalane kaligiis fool ma dhaqo.

Beesha Absame yey yihiin ???

Afarta ilmo Absame iyo Adeerkood waa beel aad u ballaaran oo dega Seddex dawladood Soomaaliya, Ethiopia iyo Kiinya, Haddaan si kale u iraahdo waa beesha ku teedsan xuduudaha Soomaaliya la leedahay Dariskooda Ethiopia iyo Kiinya, ka soo bilaaw Iimey,godeey,Qalaafe,ceel bardi, yeed,Gedo sida baareey,Srinleey,fafax dhuun, Baardheere,Bu.aale,Saakoow, Jammaame, Afmadow, Badhaadhe, Kudha ,Raaskaanbooni,kolbiyoow, Xaluuqa ilaa NFD ilaa gaarisa ilaa Hawd & Reserved Area IWM.(1).

Halyeeyaddii Beessha Absame :

Beeshan ayaa waxaa ka soo dhex baxay Rag & Haween Baxdoow ah oo Soomaalidu ayna marna Hilmaami karin xagga Geesinimada,Deeqsinimada,Daacadnimada,Af tahannimada,Hogaannimada IWM.

Halyeeyadaas oo haddii la soo Hadal qaado aan Qofna is dhahaynin waa kuma ruuxaan.

Waxaa ka mid ahaa anniga oo soo koobaaya kuwan:

Garaad wiil waal,Raage Ugaas, Sayid Mohamed Cabdille Xasan, Qammaan Bulxan, Saahid Qamaan,Mataan Ciideed,Cali Dhan,Cali Deyr,Maqtal Daahir,Shiikh Mohamud Maalin Guur,Hilowle & Omer Macallin, Xildhibaan Xuseen Jiis,Mohamed & Ahmed Omer Jees,Generaal Aaden Gabiyoow, Shiikh cali Suufi & wiilashiisa C/rashiid & C/xakiim, Shiikh Umal& Shiikh Shibile, Xildhibaan Shiikh Saahid , Pro. Gaandi iyo Ahmed Madoobe Madaxweynaha Jubbaland , Roodo Af janno IWM. (2).

WAA KUMA XUSEEN CABDI XALANE ????

Xuseen Cabdi xalane waa Nin aan Waxbarasho toos ah oo xariirta aan laheyn ( formal Education) se waxbarashadiisa ka bilaabay kaadiriintii xalane lagu xareyn jiray ee XHKS, se waa nin Dadaal badan oo markii danbe waxbarashadiisa sii waday ilaa heer Jaamicadeed iyo waliba dhanka shaqada Nin Professional ah oo ka soo Shaqeeyey Hay’addo fara badan sida US care, Save Children iwm.

Dhanka Bulshada waa Nin Aftaham ah oo gabya se si uga xirxiran dadka Siiba dhanka Beeshiisa Absame oo uu isku arko Nin ka maarmi kara oo kalligiis isa soo saaray ???!!! Wax badan baana laga hayaa in uu yiri: ( Beesha uma baahni ee annigaa kaligey socda ama wax raadsada ).

Markaan taariikhdiisa ka soo bilaabo Burburkii 1991 ilaa haatan, markasta Xuseen wuxuu jiray dhanka ka soo horjeeda beeshiisa Sida 1991-1993 markii SPM qeybsantay dhankii Beeshu u badneyd ee aheyd in Jubbooyinka Beeshu hanato wuu ka soo horjeestay, Markii 1994-1996 Cadwga Xabashido ONLF iyo Wadaadadii ka soo horjeesteen wuxuu la jiray saaxiibkiis Melez Zinaawe sida ku xusan Buugga Qoraaga Amxaarka ah uu qoray oo uu leeyhay markasta waxaan hadalkaan ka soo xigtay saaxiibkay xuseen Xalane waa markii uu Ethiopia u fadhiyey save Children.

Aasaskii Jubbaland ee Azania wuu ka soo horjeestay oo wuxuu raacay Sh Shariif ,asagoo markaas ku fadhiya kursigii Beesha oo ahaa Wasiirkii Maaliyadda, haddana waa ka soo horjeeday oo xataa wuxuu isku dayey in uu Ciidamadaas uu dhibaato dhex dhigo markuu Ganeral saxardiid uu ka jeestay oo uu raaskanbooni soo dhaweyso is yiri.

Dagaalkii Jubbaland lagu dhisay ma uusan joogin se haddii uu joogi lahaa inta Wasiir ciilmooge sameeyey oo aheyd ka gaabsigii uu arrimahaas ka gaabsaday, xuseen xalane ma sameeyeen ee wuu na gadan lahaa.

Haatanna Allaah baa naga qabtay ee haddii uu Ra’iisulwasaare noqon lahaa Dekedda iyo Airport -ka soo wareejiya ayuu na dhihi lahaa.

Haddaba Akhristoow Absame guul bay u tahay in uusan Xuseen xalane uusan wasiir ku noqonin,saa waa na gadan lahaaye.

Akhristoow haddii aad u aragto in aan wax aan jirin Xuseen xalane ka sheegaayo ,bal ila fiiri Markii Ra;iisulwasaare Cabdiwali la dooranaayey sannadkii hore wuxuu soo galay tartamayaashii ugu danbeeyey , meel cidlo ah ayaa laga qaatay Cabdiwali shiikh Ahmed oo Jubbaland gacan siiyey, Tartankaan ugu Danbeeyeyna asagaa la saadaalinaayey oo ka qeyb qaatay in uu C/wali Rido oo damul jadiid la saftay se buundo ayaa laga dhigtay wallaalkiis lagu cuno waxna lama siinin ??? waa wixii Xoosh ku dhacay sannadkii hore ,sannadkaana xiddig baan la sugeynaa.

Haddaan anniga ahay Soor quureed ma qaateen se wali rajo wuxuu ka leeyahay in jago wasiirnimo uu qaato ??? taas ayaa ku tuseysa in uusan laheyn Hankii Beesha lagu bartay aaway mataan ciideed ,aaway Qammaan Bulxan ( adigaa i dilay goormuu Isaaq doolo iga qaaday, maxaa libinta daarood lahaa daba cayuun siiyey ????!!!

Maqaalkaeyga waxaan ku soo gabagabeynayaa Absame xil ma waayin ee xuseen xalane ayaa noqday far kaliya fool ma dhaqdo .

Haddii uu uu Beeshiisa Absame taageero ka haysto xilkaas ma waayeen, horaa xadiiskii rasuulku u ahaa Yeydu waxay Cuntaa Neefka ka fogaada Xoolaha kale .

MAHADSANIDIIN

QORAAGA : OSTAN GACAMAY

ostan_gacamay@hotmail.com
(1 & 2) waan soo gaabshay magacyadda Magaalooyinka iyo magacyadda Halyeyadaba ,ha u maleynin in aan wada koobay.

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid