Faallo: Doorashooyinka PUNTLAND iyo xal u helista caqabadaha ku xeeran

Warqaddani waa mid kusocota Madaxweynaha, Madaxweyne Ku Xigeenka, Golaha Wakiillada, Isimada, Aqoonyahanka, Ururrada Bulshada, Dhallinyarada, iyo Bulshaweynta reer Puntland oo idil. 

Walaalayaal, guud ahaan ummadda Soomaaliyeed waxaa haysata dhib weyn oo dhaawacday sharaf ku noolaanshaheeda kaddib markii ay dalkoodii shaqo, caafimaad, waxbarasho iyo amni intaba ka waayeen, dabadeedna ay dani u qaxisay dhulal ay ku waayeen dhaqankoodii, diintoodii iyo magacoodiiba.

Walaalayaal, annagoo ogsoon inaanay jiri doonin Somali si gaar ah u badbaadday iyo mid si gaar ah u duntay ee Koofur, Waqooyi, iyo Bari hal doon lawada saaranyahay, ayaa haddana waxaa nala gudboon inaan tusaale ku dayasho mudan u noqonno guud ahaan ummadda Somaliyeed iyo gaar ahaan intii ku midowday dhisitaankii Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed.

Walaalayaal, su’aasha is weydiinta mudani waa inaan meel u helno sababta 24 sano Puntland looga hirgelin waayey hannaan fur-furan oo ay dadka dhulkaan ku dhaqani ku doortaan madaxdooda iyo wakiiladooda. Ma dhinaca dadkii mas’uuliyaddu saarnayd bay ka suuroobi weyday mise dhinaca shacabka?

Shacabka reer Puntland waxay May 25, 2023 si cad u beeniyeen doodihii muddada dheer lugu hanjabin jiray ee lahaa dadku diyaar uma aha doorashooyinka ay shucuubta caadiga ah ee adduunka ku dhaqani qabsadaan. Xaqiiqdu waxay ahayd inaan shacabka reer Puntland ka liidan shucuubta kale ee dhiggooda ah, laakiin madaxdoodu ay ka liidatay madaxda kale ee dhiggooda adduunka. Dad diyaar u ah inay nolol fiican u baratamaan oo haddana ku dhaqan dhul ballaaran oo nabad ah inay 24 sano u gudbi waayaan doorasho xor iyo xalaal ah oo ay madaxdooda ku doortaan waa gal dacwadeed sugaya ciddii furi lahayd.

Xaggee Puntland loo wadaa 8 Jannaayo, 2024 iyo wixii ka dambeeya?

1. Sharciyeynta  saddex ama shan Urur-siyasadeed oo kusoo baxay doorashadii Golaha Deegaanka ee 25ka May, 2023. 

Waxaa doorashadaas isku diiwaan geliyey, una codeeyey dad aad u yar marka loo eego bulshaweynta reer Puntland, waxaana jira degmooyin uu wali muran ka taagan yahay oo aan laga codayn si kastaba sababtu ha ahaatee. Saddexdaan urur waxay kusoo bexeen dadaal iyo dhaqaale dheeraad ah oo ay geliyeen hawshaan waxayna qabaan inay si dastuurka waafaqsan ula wareegi doonaan talada Puntland 10ka sano ee soo socota. Aan is weydiinee xaggeebay ka jabantahay dooddoodu? 

Waxay doodu  ka jabantahay inay tartan ku galeen xeer doorasho oo khiyaano lugu dhisay markiisii horaba oo muwaadiniinta lugu marin habaabinayey. Xeerkaas doorasho, ma aha mid ay shacabku madaxdooda ku dooranayaan oo looga gudbayo 66 kii xildhibaan oo ay intooda badani habeenka doorashadu dhacayso sida foosha xun u diiran jireen inta tartanka madaxtinimada ku jirta.

Ma aha mid oggolaanaya in ay koox muwaadiniinta kamid ahi ra’yi ku midoobi karaan oo ay urur ula magac bixi karaan waqti walba oo ay sidaas jeclaadaan. Ma aha mid qofka dhallinyarada ah oo waxqabadka dalkiisa diyaarka u ah siinaya fursad uu ku doorto meeshii uu siyaasadda uga biiri lahaa ee waa mid marti uga dhigaya Urur-siyaasadeedyada tirada yari inay siday doonaan ka yeelaan.

Xaqiiqadiisu waa mid siyaasadda u xiraya dad kooban oo la imaan kara dhaqaale xad dhaaf ah, kaas oo laga yaabo inay kusoo helaan u adeegidda dano shisheeye.

Lagama yaabo, suurtagalna ma aha in Ururro kusoo baxay shirqoolkaas siyaasadeed oo la maleegay 2012 kii ay dalka taladiisa si nabad ah kula wareegaan, kuna maamushaan 10 ka sano ee soo socota iyo wixii ka dambeeyaba. Isku dayga noocaas ahi wuxuu dhalin doonaa dagaal dhex mara hoggaamiyeyaasha Urur-siyaasadeedyadaas iyo ummadda inteeda garan karta godka madow ee Puntland dowladnimadeedii lala damacsanyahay. Eelka uu isku daygaan gurracani reebo dartiis, waxaa laga rajo dhigi doonaa iskuday labaad oo qof iyo cod fasaxan lugu gaarsiiyo shacabka reer Puntland.

2. In lagu socda jidkii 24ka sano lagu socday:

Waxaa jira dad ku arriminaya in loo noqdo qaabkii hore ee xulashada golaha wakiillada, kaasoo ay xildhibaanadu ku imaan jireen qaab jifaysan dabadeedna ay xasaanadooda ku shaqo tegi jireen. Qaabkii ay u shaqo tegi jireen intaas u dhaafimaayo. 

Dadka qaabkaan u fakarayaa dhammaantood waa kuwo talada Puntland ay soo martay, soona qabtay xilal waaweyn oo ay ummadda si hufan ugu khidmayn kareen. Qaabkii ay usoo shaqeeyeen iyo inay waajibaadkoodii guteen dadweynaha ayaan u deynayaa, waxaanse hadda u jeednaa meesha ay dalka la rabaan inuu aado horay ma aha ee waa gadaal. Haddii tooda la qaato waxaan fili karnaa waa inay adkaan doonto sidii 66 ka qabaa’ilka loogu qaybin lahaa, waayo jifooyinlii 24 sano soo haystay xubnahaas waxay u arkaan kuwo ay ayagu leeyihiin, jifooyinka aan waligood qabanna waxay sugayaan inay usoo wareegaan. 

Haddii ay doorashada soo socotaa noqon weydo mid qof iyo cod ah oo lifaaqii qabaa’ilka loo noqdo, waxaa jira jifooyin doonaya in dastuurka loo furo si xubno dheeraad ah ayaga loogu kordhiyo, haddii ay taas waayaanna aan ka qayb qaadandoonin hawshaas. 

Waxaa iyana jira jifooyin kale oo ayaguna kordhis doonaya, laakiin dacwaddooda la sugaya inta kuwa ka horreeyaa ay kordhiska soo helayaan. Waxay noqon doontaa waddo furantay oo aan meel ay ku dhammaato lahayn.

Waxaa muddo 24 sano ah sir iyo caadba looga hadlayey in uu xilka madaxtinimadu ku dhex wareegayey dad kooban, haddana waxaa muuqata in uu samirkii kasoo idlaaday bulshada inteedii kale taasina ay Puntland wajigeeda ku qori doonto far aan qurux badnayn oo aan la mahdin doonin iyo in lakala tashado oo ay beeliba meel u jahaysato.

Xalku xaggee buu ka dhowyahay?

Xalku wuxuu ka dhowyahay inaynaan dib u noqon ee aan horay u soconno, laakiin waddada aan horay u raacaynaa ahaataa mid toosan oo meel dheer lugu gaarikaro.

In dib loo turxaan bixiyo Xeerkii Doorashooyinka ee la meel mariyey sanadkii 2012, kaas oo ah midka sababay in ay dadka intooda badani ku kalsoonaan waayaan xeerkaas, kana cududaartaan ka qayb qaadashada doorashooyinkii dhacay sannadkaan iyo ururradii u tartamayba. Taas macneheedu waa in dastuurka la furo, lagana saaro qodobbada qallooca dastuuriga ahi uu salka ku hayo. Qodobadaas waxaa kamid ah;

1. In unkidda Ururrada siyaasadda laga dhigo mid u furan muwaadiniinta danaynaya ka qaybgalka siyaasadda. Taasi waxay keeni doontaa in intii talo hoggaamineed oo ay isku ra’yi ka yihiin helaaba ay aragtidooda ku meel mariyaan urur siyaasadeed cusub oo ay samaystaan. Haddii ururrada lugusoo koobo tiro yar, waxaa dhici doonta in dalka talo loo waayo oo sidii Somaliland ka dhacday uu hoggaamiye Xisbi aqoonyahanba maalin diirto, ummaddana la hor taagnaado waxtar xumo aan lahayn meel looga irkado.

2. In isdiiwaangelintu noqoto mid u furan oo dadka doonahaya inay doorashada ka qeybqaataana aan albaabada laga soo xiran. Dadkaasi waxay ku biiri doonaan intii horay isku diiwaan gelisay oo Golayaasha Degaanka dooratay. 

Ma aha in dib loogu noqdo doorashadii Golayaasha Degaanka, waxaase muhiim ah in horay loo wada dhaqaaqo hadda iyo wixii ka danbeeya, isla markaana lasoo wada dhisto dowlad cusub oo ku timaadda qof iyo cod aan xeeladaysnayn.

3. In loo oggolaado shacabka reer Puntland inay toos u doortaan Madaxweynahooda iyo Kuxigeenkiisa iyo waliba madaxda kale ee dalka intii ay tahay inay doorasho ku yimaadaan. Taas macnaheedu waa in aanay dib danbe u dhicin xildhibaanno ka baayac mushtaraya codadka lagu dooranayo Madaxweyne iyo Madaxweyne Kuxigeen.

4. In la dabciyo shuruudaha ku xeeran liistada xiran ee dul saaran ka qayb galayaasha siyaasadda ee dhallinyarada u badan, liistaduna ay noqoto mid furan.

Ugu dambeyntii, dadka ku doodaya in doorashooyinka qof iyo cod la laalo oo dib loogu noqdo lifaaqii caalwaaga ahaa ee habka qabiileysan ku dhisnaa waa kuwii sida dulmiga ah u meel mariyey is diiwaan gelintii hor dhaca ahayd ee saddexda degmo, waxaana habboon in aan wax ka baranno 24kii sano ee lasoo dhaafay wixii inaga xumaaday.

Walaalayaal, waxaan horay u socon karnaa markii aan danta naga wada dhaxaysa ee guud siyaasadda ku dhisno. Ma aha inaan hoggaanka ummadda u jiidno kolba meeshii aan danahayaga gaarka ah ka aragno. Dhex-dhexaadnimada ayaa dantu inoogu jirtaa ee aan labada daraf kasoo kala durugno, wax ummadda danteeda u adeegayana aan ku dhaqaaqno.

Haddii aanan isku dhan u dhaqaaqin, taladuna aysan noqon mid bulshada loogu danaynayo, waxaa hubaal ah inaan ku sifoobi doonno kuwa hagraday halganka haatan ka socdo SSC-Khaatumo, kana shaqeynaya Puntland kala dhantaalan iyo Soomaali kala irdhawday.  

Horaa loo yiri, wixii hooyada u roon baa ilmahana u roon, aniguna waxaan leeyahay wixii shacabka in awoodooda dib loogu celiyo lagu gaari karo ayaa Puntland iyo Soomaaliba u roon ee aan u wada dhaqaaqno sidii loo xaqiijin lahaa.

Cabdiraxmaan Sh. Maxamed (Gablax)
Musharax hore ee Madaxtinnimada Puntland, Ganacsade iyo Samafale

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada admin@caasimada.net Mahadsanid.