Faallo: Soomaaliya iyo Ordogaaniyada casrigan

Madaxweynaha Turkiga, waxuu ka gudbay Magaca Madaxweyne ee uu dalkiisa ku wato. Waxuu u wareeegay fikrad ama Mabda,a Caalami oo  magaciisa la mataan ah(Ordaganiya)  taana waxuu ku mutay Guulaha uu ka gaaray gudaha dalkiisa & Siyaasadda Dibada, asagoo ka duulaya Mabda,a Islaami oo madax banaan.

Madaxweyne Oradagan waxuu ka soo degay Garoonka Muqdisho, oo muddo  ka caaganaa in madaxweyne lagu arko. Waxuu taakuleyn &  gar-gaar siiyay Malaayiin soomaali, sidoo kale Turki waxay noqotay  Dowladdii Caalamka u horeysay ee Khasanadeeda lacag uga qorta  Khasanada Dowladda Soomaaliya.

Ordaginayada Afrika waxaa la dhihi karaa Somaliya ayeey ka bilaabatay, laakiin waji ka duwan kuwii ka horeeyay , sida  Sudan, Chad, Tunis & Masar oo hadda soo noqod loo filayo. Soomaliya Xaalka Ordaginaya marki ay timid ma jirin wax gadasho & bee c ah oo dhex mari karay Soomaaliya & Turkiga,  Sidaa darteeed biloowgeedi ilaa hadda waxaa muuqda In Ordaginaydu tahay Mabda, a quuudiya Soomaaliya dhan walba.

Ordaginayada Soomaaliya waxaa culeys ku haya Dowladaha Khaliijka (Saudi, Imarat) oo u arka in ay tahay Faro galin Siyaasi oo ayaga Cadow ku ah. Waxeyna geeed dheer & mid gaaban u koreen sidii ay u joojin lahaayeen ama ugu yaraan u hakin lahaayeeen . Waxaa tilmaan mudan oo waliba yaab ah in Ordaginayada Soomaliya Hormuudkoodi u horeey ay hadda Xubno Fir-fircoon  u yihiiin Dowladaha  Diidaan Faafinta Ordaganiyada Soomaaliya.

Mudane Shiikh Shariiif haddii ay maxkamduhu  abuureen Kolki uu Xukunka yimid, waxaa la dhihi karaa Ordagniyada ayaa Laf dhabar u noqotay jiritaanka Dowladda Shiikh Shariiif.  Sidoo Kale Madaxweyne Xasan Shiikhii hore waxaa Khasanad u aheyd Ordaganiyada oo malaayiin Dolar bil walba siin jirtay. Intaa waxaa ka daran in Mabda,a  Ordaganiyadu uu  naas nuugay IKhawaan Muslimiinka Caalamiga ah.  Labadan aan magacaabay & xubno ka sii badan waxay ka tirsanayihiin ama ay ahaan jireen  Xarakaadka  Islaamiga  ee Ikhwaanka Caalamiga ka soo jeeeda.

Miisaan yarida & garowsha la,aanta Mabda,a  ee intaa la eg,  waxey qiimo tireysaa kalsoonida lagu qabi karo Hoggaamiye Soomaali oo Mabda,a ama dan lagula saaxiibo. waana dabeecad Soomaali oo nala mataan aheyd inti aan Diblomaasiyad & Siyaasad Dibad ku jirnay.

Haddiii Dabeecada Soomali e eReer Guuraanimada & Xamaasada ku qotonta, ay  Khatar ku tahay Mabada,a  Ordaganiyada, ogoow ayadana waxaa ka sii Khatar badan in Ordaganiyadu noqoto Muuqaal wanaagasan oo ka dambeeeeya Dano  guracan  oo aan qiimeyn aayaha Shacabka & danta Dalka .

Qeexida Qodokan & caddeyntiisa waa in oo mar kale & qoraal xiga.

W/Q: Mahdi Muse