Maamul goboleedyada awoodooda ma inay dowlad mucaaradaan kaliyaa?

Inaad u muuqato libaax awood leh, marka aad la macaamileyso walaalkaaga, laakin aad bisad noqoto marka aad la macaamileyso shisheeyaha waa dhaqan lagu yiqaan madaxda iyo siyaasiyiinta soomaalida.

Madaxda maamul goboleedyada waxay ku midoobeen misana ay ku hashiiyeen inay hor istaagaan howlaha dowlada, muujiyaan inay ka awood badanyihiin, kana soo horjeestaan go,aamada dowlada hadii aysan raali ka aheyn iyagoo hareer maraya dastuurkii lagu hashiiyay. intaa waxaa sii dheer inay go,aan wada jir ah kasoo saaraan howlgalada dowlada sameyso, kuna dhaliilaan inaysan dowlada habooneyn inay sidaa sameyso.

Ajandayaashii iyo mashaariicdii horumarinta dalka ee ay dowlada soo bandhigtay una gudbisay baarlamaanka waxay kasoo soo saareen go,aan mideysan ee kaga soo horjeedaan ansixinta mashaariicdaasi iyagoo ku andacoonaya inaysan dowlada kala tashan, tiiyoo ay jirto inaysan iyaga dowlada waxba kala tashan mashaariicda ay ka fulinayaan maamuladooda.

Dhacdadii lagu weeraray guriga siyaasi Abdirahman Abdishakuur Warsame, waxaa go,aan wada jir kasoo soo saaray madaxda maamul goboleedyada iyagoo dhaliilaya howlgalkaas ay fulisay dowlada, kagana digay dowlada inaysan awood u adeegsan siyaasiyiinta iyo shacabka.

Laakin waxay iloobeen qaabka ay iyagu ula dhaqmaan siyaasiyiinta iyo shacabka ku dhaqan maamuladooda. Odayaal iyo siyaasiyiin dhaliilay hashiiskii cabdiweli gaas la galay Imaaraatka isla mar ahaantaan ku dhawaaqay madal samata bixin, waxaa dhamaantood lagu wada guray xabsi iyadoona qaarkood jirdil loo geystay, taasoo ah arin kasoo horjeeda dastuurka dowlada goboleedka Puntland.

Axmed madoobe wuxuu magaalada kismaayo ka mamnuucay iska daa inay siyaasiyiin kasoo horjeestaan maamulkiisa xittaa wuxuu mamnuucay in meelaha fadhi ku dirirada loogu sheekeysto wax siyaasad ku saabsan taaso ah mid dimuqraadiyada ka fog una muuqda xukun kaligiii talisnimo.

Xildhibaanadii mooshinka ka keenay Shariif xasan waxaa laga mamnuucay inaysan shirar siayaasadeed ku qaban karin magaalada Baydhabo, iyadoona qaarkood loo diiday inay magaalada Baydhabo kasoo dagaan taaso gabi ahaanba kasoo horjeeda dastuurka maamulka iyo guud ahaan dumuqraadiayada.

Madaxweyn xaaf wuxuu xabsiga dhigay madaxweyne ku xigeeenka Galmudug iyo gudoomiyaha baarlamaanka kadib markii ay kasoo horjeesteen go,aankiisa ku aadanaa teegeeridii xulufadi sucuudiga iyo imaaraadka.

Isku soo wada duuboo xadgudubka ay Kenya ka geysaneyso magaalada Beledxaawo ee ka tirsan maamulka Jubaland oo uu madax u yahay Axmed Madoobe, kama hadal iska daa inuu booqdee, golihii iskaashiga ay ku midoobeen madaxda maamul goboleedyada kama soo saaran wax go,aan ku aadan gobaad falada kenya ka geysaneyso Beledxaawo. Waa yaabe ma waxay kaliya  u midoobeen inay dowlada go,aamo kaasoo horjeeda soo saaraan. Mise kama hadli karaan waxa shisheeyaha wadankeena ka sameeyo.

W/Q Safaana Haji Ahmed
Email: safaanahaji@gmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid