Xildhibaan xog ka bixiyey boobka ay Kenya ku hayaan Somalia iyo waxa ay kusoo arkeen Balad-xaawo

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Sadiiq Warfaa oo ah Xoghayaha guddiga difaaca Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa shaaca ka qaaday in dowlada Kenya ay kula xisaabtami doonaan taako kamid ah dhulka Somalia.

Xildhibaanka oo ka mid ahaa wafdi ka socday dowladda Soomaliya ee gaaray Gobolka Gedo ayaa tilmaamay inay soo noqnoqotay xadgudubyada ay dowlada Kenya ku heyso dhulka Somalia.

Xildhibaan Warfaa, waxa uu tilmaamay inay dultageen halka lagu muransan yahay iyagoo garabsanaaya Khubaro ku xeeldheer arrimaha xuduudaha wuxuuna carabka ku adkeeyay inay difaaci doonaan taako ka mid ah dalka oo aysan Kenya ku fiirsan doonin dhul balaarsiga ay wadaan .

‘’Kenya yeysan ku fekerin inay Somalia ku dhaqan galiso rabitaankeeda dhul balaarsiga ay ku taameyso, sharci ayaan kuga difaacan doonaa dhulkeena’’

Xoghayaha guddiga difaaca baarlamaanka Soomaaliya Xildhibaan Sadiiq Warfaa waxa uu sidoo kale sheegay in ay la kulmeen bulshada Degmooyinka Doolow iyo Balad-xaawo islamarkaana ay kala hadleen arrimihii ugu dambeeyay ee dhacay.

Waxa uu carab dhabay in wareysigooda uu ahaa mid ay xooga ku saaren isku daygii ay sameyeen Ciidamadda Dowladda Kenya ee dul balaarsiga, waxa uuna cadeeyay inay heleen xogo ku filan oo ay ku duulaan tagi karaan.

Haddalka Xildhibaan Warfaa ayaa kusoo beegmaaya xili qoraal kasoo baxay Guddiga difaaca Golaha Shacabka lagu cambaareeyay dhul boob la sheegay inay ka wadaan ciidamada Dowladda Kenya degmada Beled Xaawo ee gobolka Gedo.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com