Aabaha dhalay Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo goordhow lagu dilay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online)-War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in maleeshiyaad Hubeysnaa ay toogasho ku dileen Cali Nuur Shuute oo la sheegay inuu dhalay Gudoomiyaha Maxkamadda Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka Sida, Korneyl Xasan Cali Nuur (Shuute).

Dilka Aabaha dhalay Guddoomiyaha ayaa ka dhacay xaafada Suuq-boocle ee degmada Dharkeynley, waxaana lasoo sheegayaa in maleeshiyada ay aabahaa ku dileen Hooygiisa.

Maleeshiyada dilka geystay ayaa la sheegay in tirro ahaan ay dhamaayen ilaa afar kuwaa oo dilka kadib ka baxsaday goobta uu dilka ka dhacay.

Dilka kadib ayaa waxaa halkaa gaaray ciidamo ka kala tirsan Booliska iyo NISA, oo waxa ayna halkaa ka bilaabeen baaritaan ay ku baadi-goobayaan maleeshiyaadka dilka geystay.

Dilka Aabaha dhalay Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Xasan Cali Nuur Shuute, ayaa kusoo beegmaaya xili tan iyo markii ay dhalatay sanada cusub ay magaalada Muqdisho ka dhaceen dilal dhowr ah.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com