Sawirro: Muxuu Taliyaha Ciidanka Xoogga kusoo arkay Xabsiga Dhexe ee Xamar?

Muqdisho (Caasimada Online)-Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General C/weli Jaamac Xuseen (Gorod), ayaa waxa uu maanta kormeer ku tagey Xabsiga Dhexe ee Xamar, iyadoo ay kormeerkan ku wehlinayeen saraakiil ciidan.

Taliyaha Ciidanka Xoogga ayaa waxaa halkaasi ku soo dhoweeyay Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Xuseen xasan Cusmaan iyo Sarakiil ka tirsan Ciidanka Asluubta.

Taliyeyaasha Ciidanka Xoogga iyo Asluubta,  ayaa waxay kormeereen Warshadda soo saarta qalab Xafiseedka, dharka Ciidanka Asluubta iyo kan Maxaabiista, agabka dhismaha iyo qalabka guriyaha, waxaana Warshadaan ka howl gala maxbiista ku xiran Xabsiga dhexe ee Xamar iyo saraakiil Ciidankaasi ka tirsan.

kormeerka markii ay soo gabagabeyeen, ayaa waxaa Warbaahinta la hadlay Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Xuseen Xasan Cismaan, isaggoo sheegay in labada talis ee Xoogga dalka iyo Ciidanka Asluubta uu ka dhaxeeyo wada shaqeyn iyo xiriir aad u wanaagsan.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Sarreeye gaas  Cabdiweli Jaamac Gorod,  ayaa isna tilmaamay in uu ku faraxsanyahay booqashada maanta uu ku tagay Taliska Ciidanka Asluubta, waxaana uu tilmaamay inuu arkay howl wanaagsan oo socta, isaggoo boggaadiyey  sida wanaagsan ee Maxaabiista xabsiga dhexe ee Xamar ku xiran loo barayo Farsamadda Gacanta.