Guddoonka Aqalka Sare oo war cad kasoo saaray weerarkii lagu qaaday Hooyga Cabdi Qeybdiid (Akhriso qaraarka)

Muqdisho (Caasimada Online)-Qoraal kasoo baxay Guddoonka Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay weerarkii lagu qaaday Hooyga Xildhibaan Cabdi Qeybdiid.

Guddoonka Aqalka Sare ayaa qoraalkooda ku qotomiyay baaritaan ay ku sameeyen weerarka Cabdi Qeybdiid, waxaana lagu amray in Maxkamada lagu soo taago ciidamadii ka danbeeyay weerarka.

Qaraarka Guddoonka ayaa lagu amray in maxkamad la soo taago ciidamadii ka qeyb qaatay weerarkii ka dhacay hoyga Senator Cabdi Qeybdiid, waxaana sidoo kale lagu codsaday baaritaan dheeri ah.