Faallo: Tartanka loogu jiro maal-gashiga dekadaha ummadda Soomaaliyeed

Waa wax wanaagsan in dekadaha dalka ay helaan maalgelin xooggan si ay Soomaaliya uga faa’iideysato khayraadka dabiiciga ah, dalkuna  horumar dhaqaale u gaaro, shacabkuna horumar dhaqaale oo qof walba  taaban karo u helo sida umadaha hore u maray ee dunida. Waxaase u baahan in laga fakaro habka ugu habboon ee heshiisyada caalamiga ah ee ku saabsan maalgashiga loo gelayo, gaar ahaan kuwa ay dhici karto in dhibaato weyn ka timaado mustaqbalka haddii lagu degdego oo aan aad looga fiirsan lagalana tashan kuwa sharciga caalamiga ah iyo dhaqaalaha ku takhsusay.

2011 wixii ka horreyey burburkii kadib, caalamku waa uu naga jeestay intiisa badan. Dhibkii  dalka ku dhacay wax badan oo ka mid ahna waxaa hurinaayey welina ay dhici karto in ay ka shaqeynayaan sidii Somaaliya u burburi lahayd mar kale dowlado badan oo u arka horumarkeenna khatar iyaga ku toosan.

Mahadi ha gaarto 2011 waxaa noo soo gurmaday iyada oo waddenkeena adduunku u heysto lama galaan, dowladda turkiga oo wax xooggan ka qabatay gaajadii iyo macluushii jirtay, horumarin dhismo oo noocyo kala duwan lehna ka bilowday dalka. Turkiga oo uu hogaaminayey waqtigaas Mr. Rajab Ordogan oo Ra’iisulwasaare ahaa, dowladdiisa iyo shacabka turkiga ayaa adduunka u sheegtay in Soomaaliya la tegi karo waxna laga qaban karo.

Markaas kadib ayaa dowladaha qaar isku dayeen in ay Somaaliya caawiyaan, taas oo aan heerkeedu gaarsiisney in Somaaliya dib u soo kabato.

Somaaliya hadda way ka duwan tahay 2011 kii, waxyaabo badan oo soo xoogeysiga dowladnimada tusinaayo ayaa muuqda, howshuse fari kama qodna si Soomaaliya cagaheeda si buuxda ugu istaagto, weli kaalmo badan ayey u baahan tahay dowladda Soomaliya. Turkiga ayaana ugu horreeya ilaa iyo hadda dowladaha si mug leh ugu mashquulsan dib u soo celinta qarankii soomaaaliya ee burburay, arrin qarsoonna maahan, weyna ku mahadsan yihiin.

Waxa muuqanayo in dowlado dana is diidan dalkaan ka  leh tartan ugu jiuraan sidii ay ula wareegi lahaayeen dhaqaalaha dalka Somaaliya, si aan shacabku uga faa’iidin khayraadka Alle ku manneystay dalkaan, ama ayba cabsi ka qabaan in iyaga dhaqaalohooda dhibaato soo gaarto haddii soomaaliya ay noqoto waddan mideysan  oo khayraadkiisa maareysan kara.

Waxa u daliil ah in qaar  dowladaha ka mid ah ay isku dayaan in ay dowlad goboleedyada la macaamilaan iyaga oo aan soo marin dowladda dhexe, taasina keento siyaasad ahaan iska hor imaadka ka yimaada madaxda maamulda iyo dowladda dhexe, taas oo ku biya shubaneysa in somaliya ay ahaato dowlad taag daran oo wixii la doono laga sameysto shuruudahana loo yeeriyo. Intaas kuma eka, ee qaar maamullada ka mid ah haddii aysan dhammaantoodba ahayn ayaaba la hubeeya si ay ugu muuqdaan dowlado ama qaran gooni u taagan si aan loo dhihin maamul goboleed, waa nasiib darro.

Waxa aad garan kartaa akhristoow heshiisyada faraha badan ee lala galay ama hadda la diyaarinayo in lala galo dowlad goboleedyada in ajaanibta loo ogolaaday saami aan caadi ahayn (70% oo kale) iyo waqti aad u dheer (matal ahaan 30 sano) oo aan la saadaalin Karin waxa dhici karo iyo isbeddelada imaan karo.

Waxa aan dowladda Nabad  iyo Nolol kula tali lahaa in ay marka hore sharciyadii lagu maamuli lahaa heshiisyada caalamiga ah oo aan doldoleelo lahayn la timaado iyo in aysan aqbalin waxa ka hoosee 51% faa’iidada, iyo waqtiga heshiisyada oo aad loo soo gaabiyo, mar hadddii aan la saadaalin Karin waxa dhici kara waqtiga fog.

Waxa kale oo aan talo ku siin lahaa dowladda in aan la simin dowlad ka shaqeyneysa in aan qaran noqonno iyo mid maslaxadeeda kaliya u joogto dalka, amaba midnimadeenna si dahsoon ula dagaashan, danaheeda owgood.

Maalgashi dunida oo dhan ayey Soomaaliya ka heli kartaa, arrintu maahan in aan fiirino oo kaliya kuwa maalin walba dantooda noo dul taagan, ee nimaan noo fureyn yuusan noo rarin.

GUNNAANAD

Danta dadka, dalka iyo diinta waa in laga hor mariyo dan kasta oo dal kale ama qof leeyahay, waana in la saxo khaladaadka ka jiro xirriirak maamul goboleedyada iyo dowladda dhexe dhxdooda si loo helo dowlad soomaliyeed oo awood badan dibadda iyo gudahaba, haddii kale waxa soo noqnon doona iska horimaadka siyaasadeed iyo kala aragti duwanaashaha laba dhinca, taas oo aan cidna maslaxad ugu jirin, laakiin ku wajahan burburinta dowlad qarannimo oo adag.

W/Q Dr. Eng. Axmed C. Calasow