Xog: Kaalinta beesha caalamka ee SOOMAALIYA

Muqdisho (Caasimada Online) –  Waxaa isi soo taraya kacdoon aay shacabka Soomaaliyeed kaga soo horjeedaan kaalinta aay beesha caalamka kaga jirto siyaasadda marin habaabinta ah iyo qaska siyaasadeed ee Soomaaliya. Waxaa marag maddoonta ah in Beesha caalamka aayna marnaba rabin in aay Soomaaliya hesho xasilooni siyaasadeed iyagoo markaa taageera falal aay ogyihiin in aay iska soo horjeedaan, taasoo sii kala fogeyneysa walaalaha Soomaaliyeed ee ku loolamaya masraxa siyaasadeed.

Waxaa aay caada ka dhigteen in aay wakiilada beesha caalamka saxiixaan heshiisyo maamul loogu sameeynayo gobolada Soomaaliya, iyagoo markaa marar qaarna aay saxiixaan heshiisyo iska soo horjeeda oo aay og yihiin inuu keeni doono isku dhac.

Waxaan marqaati ka wada nahay wakiilka IGAD, Midowga Yurub iyo Midka Qaramada Midoobay aay kulligood saxiixeen heshiiyo liddi isku ah, kaaso ahaa heshiiskii maamul u sameynta Jubbooyinka, midkii Gobolada dhexe, iyo midkan hadda weli leysku hortaagan yahay ee Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan.

Weli ma arag shaqsi masuul ah oo ka hor yimaadaa saxiixa wakiilada beesha caalamka, waayo maba ku laha saxiix arrimaha u dhexeeya Soomaalida.  Haddab aqristoow nala daawo barnaamij arrintan laga sameeyay oo aan hubo in aay wax badan kaaga bixi doonaan.

Waa lama huraan in shacabka Soomaaliyeed ka hor yimaadaan bohosha siyaasadeed iyo godka aay qodayaan wakiilada beesha caalamka oo uu ugu horreeyo Nicholas Kay, Gabre iyo Maxamed Afeey.

Waxaan wada ognahay in beesha caalamka aay ugu horreysa kuwa jebiya kuna tunta sharciga dastuurka iyagoo markaa og in aanan cidna la xisaabtami karin. Intii uu xukunka qabsaday Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxaad moodaa in Soomaaliya aay sii weyneyso xornimadeedii aay hanatay 1960.

Waxaa aay muwaadin walbaa oo Soomaali ah maanta uu is weydiinayaa. Soomaaliya ma xor baa mise waxaan ku jirnaa gacan gumeysi.

[fbvideo link=”https://www.facebook.com/mohad.abdi.1/videos/1619143778363903/” width=”500″ height=”400″ onlyvideo=”1″]

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimadda@live.com