Nin ajnabi ah oo isku hor gubaya xarunta UNHCR ee Hargeysa, isaga oo ka carrooday…

Hargeysa (Caasimada Online) – Muwaadin u dhashay dalka Yemen kana mid ahaa dadkii kasoo cararay dagaalada ka dhacayay dalka Yemen ayaa maanta dhacdo layaab leh ka sameeyay magaaada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland.

Muwaadinka maanta noloshiisa isku gubay ayaanan la sheegin magaciisa laakiin wuxuu kamid ahaa dadkii ka carayay dagaalada Yemen, kuwaasi oo aan taageero wanaagsan ku helin magaalada Hargeysa e xarunta maamulka Somaliland.

Ruuxa Yemeniga ah ayaa isku gubay afaafka hore ee xarunta UNHCR oo Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha dadka qaxootiga ah, waxaana la sheegay in dhaawaciisa markii dambe loola cararay xarumaha caafimaadka magaalada Hargeysa.

Wararka ayaa sheegaya in ruuxa maanta is gubay uu marar badan ku laalaabtay xafiiska UNHCR ee magaalada Hargeysa isaga oo dalbanayay in la caawiyo, maadaama daryeel wanaagsan aysan ku heysan magaalada Hargeysa.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka maamulka Somaliland iyo xafiiska UNHCR ee magaalada Hargeysa oo ku saabsan ruuxa maanta nolosha isku gubay baahi heysay darteed.

Casimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com