25.1 C
Mogadishu
Tuesday, July 1, 2025

FAALLO: Wasaaradaha Waxbasrahada, Shaqada, Dam-Jadiid iyo Amiin Caamir

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

WASAARADDA SHAQADA MAXAY QABATAA?

Waa su’aal aad u adag una baahan ka baaraan degid miisaaman lagana fiiriyo dhinac kasta oo ka mida howlaha loo igmaday wasaaradda.  Waa maxay shaqada wasiirka? Ma leeyahay tilmaan shaqo (job description) laga dheehan karo natiijada howlaha uu qabto? Ma laga rabaa oo waajibaadkiisa ma ka mid tahay shaqo aburid iyo shaqo raadin gudaha iyo dibadda dalka?  Dalka waxaa ka jira shaqo la’aan aad u baahsan oon cidna lagu eedeyn karin, waxaase dowladda lagu eedeyn karaa inay ka gaabisay shaqo abuurid iyo tababaro xirfadeed ( technical training) dadku ay ku shaqeysan karaa marka ay bartaan.

Maxaa loo abuuri waayay xarumo dadka lagu tababaro oon u baahneyn kharaj aad u fara badan, lagana yaabo laamaha UN-ka, sida UNESCO iyo qaar kale, inay diyaar la yihiin marki laga dalbado, siiba farsamooyinka hoos ku xusan oo muddo aad u gaaban lagu diyaari karo dhallinyaro la soo xulay oo weliba qaarkood si sahal ah loo bari karo beeraha  guryaha ku dhex yaalla ( giardino), waa haddii wasaaradda ku shaqada leh ay dareensan tahay.

Waxaa hubaal ah in Wasiirka Shaqada uusan ka jawaabi karin sababta keentay debecsanaanta howlaha shaqa abuurka iyo raadinta ilo shaqo oo gudaha iyo dibadda ah.  Waxaa jira dalal aan saaxiib nahay oo ay ka socoto mashaariic aad u baaxad weyn oo ay dadkeenu shaqa ka heli karaan haddii dowladdu ay dareento jiritaanka fursadhaas.  Dowladda Qatar waa dal aan saaxiib dhaw nahay dad badan oo Soomaali ahna ay ka shaqeeyaan..maxaa dowladdu uga raadin weysay shaqo, iyadoo howlaha ka socda ay u badan yihiin mashaariic dhismo.  Annaga waxaan heli karnaa shaqaale diyaar ah ee dabooli kara bahida howlaha ka socda Qatar oo ay ka mid yihiin Fuundi (mason), Faryaamo(Carpenter), Koronto yaqaan (electrician) &  tubiste ( plumber).  Mashaariicdaan waxaa lagu qiyaasay inay si xowli u socon doonaan shanta sano ee soo socota, taasoo ay ugu yaraan 5,000 oo qofood ay shaqo ka heli karaan.

Waxa loo bahan yahay oo kaliya waa xariir lala sameeyo dowladda Qatar iyo shirkadaha qandaraasyada ku heysta, waana in wada xaajoodka loo xilsaaraa dad khibrad fiican u leh howlaha looga baahan yahay meesha. 

WASAARADDA WAXBARASHADA

Madaama uu dhammaaday xilli dugsiyeedki, waxaan soo jedin lahaa talooyin ku saabsan si loo hormariyo waxbarashada:

Dowloadda Imaaraatka: in la weydiisto inay noo dayactiraan dugsiyada dalka oo dhan, kuwa cusubna ay noo dhisaan oo heer kasta leh.

Dowladda Kuwait: laga dalbado inay noo daabacaan kutubta dugsiyada heer walba iyo weliba buugaagta iyo qalmaanta tiro  carruurta ku filan sannad-dugsiyedka seddaxda sano ee soo socota.

Dowladaha Qatar & Sacuudiga: in laga dalbado bixinta mushaharooyinka macallimiinta seddaxda sano ee soo socota.

Waxaa laga yabaa talooyinkan inay dowladdu u aragto meel ka dhac ah sidee qof shacab ah wax ugu sheegi karaa!!! Ilo talooyion loogu gudbiyo dowladda la waa, ( luck of proper channels for suggestion and proposals). Waana sida ugu dhibka yar ee wax lagu gaarsiin karo  dowladda marki loo baahdo…yaanan loo qaadan xad-gudub.

AMIIN CAAMIR & DAM JADIID

Xilligii kacaanka ayaa aniga iyo nin saaxiibkey ah waxaan ka casheynay maqaayad ku tiillay Cinema Missioni akteeda, markaasuu saaxiibkey weydiiyay Kamaryeerigi moos jaallo ah ii keen..markaan maqaayadi ka soo baxnay ayaa waxaa naga daba yimid nin aan u maleynay inuu tuugsanaayo oo darxumo ka muuqato.

Markasuu yiri dacwaan idin qabaa ii raaca saldhigga boliiska bartamaha..(Afar irdood).. waxaan weydiiyay dembiga aan galnay!! Markaasuu yiri Jaalle ayaad u gefteen ood moos ku sheegteen!!!…  Amiin Caamir wuxuu ku eedeeyay Madaxweyne Xasan Sheikh inuu barlamaanka ka jeediyay khudbad DAM MJADIID ah!!! Ma dhegeysatay khubada uu jeediyay?  Amiin Caamirow waa maxaay Dam Jadiid?  Waa maxaay mabda’a uu faafiyo ururkaani?  Waa xagee meelaha uu ka jiro uu ku fashilmay? Ceebaha uu leeyahay waa maxaay? Mase waa laguu soo dhiibay sidi mooska jaallaha? ( banane giallo)!!..

W/Q: Axmad Calasow

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News