Faallo: XAGEE LOO GUURAYAA 2016?

3 Toddobaad ee aan ku sugnaa Mqdisho dadka siyaasada daneeyaa waxay ka hadlayen waxa loogu yeero Higsiga Siyaadada ee 2016. Waxaa socda is urursi siyaasadeed, wax kala riixasho, is bahaysi iyo xodxodosho siyaasadeed.

Ma sahlan in si fudud loo fahmo waxa socda iyo waxa laga hadlayo. Hase ahaatee duruufaha ku xeeran Muqdisho Casimadda Soomaaliya ayaa ku baraysa in cayaarsiiska militeriga ee socoda Hob … Jac…. Hob .. Jac… la qabsato. Bidix u leexo ama Midig u leexo. Darandoori. Gadaal iyo Hore u Jeedso. Joogso. Ka dib ku gabagabeey salaan midig.

Wax badan ayaa is bar-bar yaacaya siyaasad ahaan marka si mug weyn loo qooraansado halka siyaasad ahaan Soomaaliya u socoto 2016….

Waqtigu waa ka duwan yahay kuwii hore. Dawladii Kacaanka ahayd haddii ridideeda loo isticmaalay Jabhada Qabiil oo magaca S loo yaqaan wada watay oo kala ahaa SSDF.SNM.USC.SPM.SDM.Waa la riday dawladii iyadoon wax ka fiican lagu badalin…. Ha is raacdo diidaye ha is raamsatee daa.

Soomaaliya haadaan ka sii xun tii kacaanku ku riday oo ka bixisteedu adag tahay ayey ku sii dhacday.. Dagaal sokeeye oo aan dhamaad lahayn. Shirar dib u heshiiseeneed oo aan natiijo ka dhalanayn…. Siyaasiyiin aan waxba ku heshiis ahayn . Hogaamiyo kooxeedyo aan iiman lahayn caqligooduna ahaa isbaaro lacag dadka looga qaado.. Ururo Islaamiyiin ah oo ku naban dadka Soomaaliyeed , lahaan ujeedooyin la oran karo Soomaalidu lamaba socon. ha ahaadaan kuwa gabada ee iyagu isu yaqaan qunyar socodka iyo kuwa farta lagu fiiqo ee loo yaqaan seef la boodka.

Haddii Shirkii Cartan ururada bulshada oo uu ku lamaanaa Xisbiga Ikhwaanul Muslimiinka Soomaaliya ee loo yaqaan Al-Islaax ay xukuumadaas Carta hogaankeeda ku guulaysteen. Rag is gurayeen dagaal oogayaashii iyo Dawladii Puntland ee uu madaxda ka ahaa Allaha u naxariistee Cabdulaahi Yusuf waxay uga istaageen kabaha ilaa ay ku asaaseen ururkii SSRC oo markii dambe ku guulaystay inay awooda dalka Okt 2004 yimaadaan iyagoo garab ka helaya dawladaha deriska la ah Soomaaliya oo ay ugu horeeysay Ethiopia. Dawladii Carta waxaa loo aaneeyaa fashilkeeda ku luq lahaansha Islaax oo ah uru Islaami ah isla markaana siyaasi ah. Guuldaradaasina waxay astaan bilow u ahayd ururada islaamiga ah ee danaynaya inay Soomaaliya hogaamiyaan.

Ninba waa markiisee mus ma kula koray…. Markaan marxaladu waa ka duwanaatay sidii hore. Dagaal Oogayaashii Muqdisho waxbay diideen inay la shaqeeyaa dawladii Embagate /Nairobi/ Kenya lagu soo dhisay. Waxay diidmadoodaas u isticmaaleen Gudoomiyihii barlamaanka waqtigaas Shariif Xasan oo u muuqanayey waxa saa’idka ku ahaa siyaasada Soomaaliya waqtigaas. Maxkamadihii Islaamiga ahaa iyo Islaamiyiinta kaleba waa iyana si weyn u saluugsanaayeen dawladaas Federaalka ahayd ee uu hor kacayey Cabdulaahi Yusuf . Waa la garan kartaa ninba dan leh.

Waxaa si fudud isaga horyimid Maxkamadihii Islaamiga ahaa ee Muqdisho iyo Kooxdii la magac baxday La Dagaalanka Argagixisada….Islaamiyiinta is huwanaa waxay barqo cad ka adkaadeen Qabqablayaashii Muqdisho. kuwaas oo isu dhiibay qaarkood Cabdulaahi Yusuf kuwa kalena ay dalka ka baxsadeen. waa cagtaydaay i bixi……

Maxamadihii Islaamiga ahaa ee is huwanaa dagaal ayaa lagu qaaday waana laga saaray Muqdisho, Ethiopia ayaan dalkii soo gashay. Fursad siyaaadeed ayaa abuurantay iyadoo dadka lagu kicinayo in muqaawamo la sameeyo dalkana laga xoreeyo gumaysiga qabsaday.

Awoodba awood ayaa riixday. Sheekh Sharriif madaxii Maxkamadaha ayaa bedelay Cabulaahi Yusuf oo ku fariistay Kursigii madaxnimada… Isagana xoogagii diidanaa waxay u yimid meel dhowr talaabo u jirtey Maadaxtooyadii uu fadhiyey.Cida la dagaalamaysaa waa Ciidamadii uu madaxda u ahaa oo u badan Maxaakmiitii uu hogaaminayey iyo Ilaamiyiin la mawqif ah.

Siyaasiyiintii awooda yimid ee Alla Sheekh waxay ku hor ku feen siyaasad ahaan hogaankii Somaliya kolkay kala qaybsameen, kuna xakamayn waayeen siyaasada hogaamiyahoodii Sheekh Shariif oo ahaa xubin iyaga ka tirsanaa. mirihii ka dhashay siyaasada is khilaafsan ee Alla Sheekh ee aan jihada loo raaca lahayn waxay dhashay mirihii ka soo baxay tartankii doorashada madaxnimada Soomaaliya loo galay oo si fool xun dhulka loogu jiiday Sheekh Shariif . Doorashadaas waxaa laga bartay ururada Islaamiga ahi siday ugu fashilmaan kolkay xukunka yimaadaan oo awooda dalka hantaan. waxaan la sheegaa inay ku meeraystaan waxyaabo aan daruuri u ahayn sidii qaran loo hogaamin lahaa amaba dib loogu dhiso dal bur buray.

Isla koox Islaami ah ayaa ku fekeray inaan urur Islaami ah awooda dalka hogaaminteeda xilligan lagu gaari karin. Balse iyadoo la is qarinayo isla markaana dadka Soomalaida ah wax cusub loo sheegayo la asaaso Xisbi. Gorfayntaas ayaa waxa ka dhashay Xisbiga Nabada iyo Horumarka( PDP) . Hase ahaatee Xisbigaas ayaa waxaa bud dhigayaal u ahaa ururka Dam-Jadiid oo toobiyaha Akhwaanka taabacsan, kana go’ay Ururka Al-Islaax oo isagu aqoonsi guud ka haysta Ikhwaanka Caalamiga ah.

Xisbiga Nabada iyo Horumarka( PDP) oo uu madax u ahaa Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud waxay ku guulaysteen higsigoodii siyaasadeed ee ahaa in Soomaaliya u baahan tahay nidaam xisbi in lagu maamulo, Codadka uu jagada Madaxweynanimada ku helay Musharaxoodii Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka imanayey beelaha Soomaaliyeed xubnihii u metelayey Barlamaanka ay beelahaasi soo xuleen. Arrimahas isbedelka samaynayey waxay bisayla siyaasada ku abuurayeen dadka Soomaalida ah waxaa iftiimayey in la odorosi karo nayaayiro ay dib ugu soo noqon karto Qaranimadii Soomaaliyeed oo u baahan hogaamiyaayaal geesiyiin Wadaniyiin ah oo isu soo celiya bulshada qab-yaaladu kala irdhaysay ee ku wada abtirsada Soomaalinimada.

In wax yar ka badan 2 sano ayaa hogaankii Xisbiga Nabada iyo Horumarka( PDP) 10 Sept 2012 si aqlabiyad ah ugu guulaysteen hogaankii dalka. Waxaa la soo bandhigay 6 Tiir oo dalka dib loogu dhisayo. Waxaa soo shaac baxay magaca Dam-Jadiid iyo saxansaxada qaabka ururada diintu u shaqeeyaan, is kooxaysi anigaa saxan, cid kale wax ma qaban karto, haday cidi wax qabanayso waa kuwa anaga noo ah nacam- layaasha. Waxaa dadkii ku midaysnaa ee siyaasiyiinta u ahaa in hogaanka dalka uu qabsado Xisbiga Nabada iyo Horumarka( PDP) ku kala fogaadeen aragtida siyaasada markii awooda la helay…. Qaarkood ayaad markaad Muqdisho kula kulanto kugu oranaya ma ahi Xisbiga Nabada iyo Horumarka( PDP) ama ma ahi Dam- Jadiid laakiin dadkoo dhami u yaqaanaan in ay kooxdaas yihiin iyo xisbigaas.

MAXA DADKA SIYAASADA DANEEYAA KU FEKERAYAAN?

Guud ahaan dadka siyaasada daneeyaa waxay ku far fiiqayaan in loo baahan yahay Xisbi ka shaqeeyaa Soomalinimada isu keenida dalkan burburay. Xisbigaas oo ka koobmi kara dadka Soomaaliyeed oo dhan, kuna salaysan Soomaalinimo dhamaystiran, waana halkaa meesha looga guuri karo afkaaraha fashilmay ee mar walba shaatiga cusub soo gashanaya.

Haddii ururkii Al-Ittixaad Al-Islaam ee mar holiyey inuu awood dalka Soomaaliya gebi ahaantiisba ku qabsado u suurta geliwayday, Haddi Al-Islaax gur-gurrasho siyaasadeed u mira dhalin weyday, Haddii saaxiibadii siyaasad ahaan dawladaha deriska ku lamaanaa dadka Soomaalida ahi diidan yihiin. Haddii Maxkamadihii Islaamiga ahaa ku soo biya shubteen turunturo siyaasadeed, Haddii Alla Sheekh la arkay halka siyaasad ahaan ku kufeen…. Haddii Dam-Jadiid oo gashan Shaatiga Xisbiga Nabada iyo Horumarka( PDP) …. Sow hoosta kama xariiqi karaan dadka Soomaaliyeed inaan siyaaada Soomaaliya ee baadi goobka dib u soo celinta Qarankii Soomaaliyeed ee dib u kabida u baahan inay dooraashada 2016 uga guuraan Xisbi Siyaasi ah oo ay ku wada Midaysan yihiin Soomaalida oo dhan. Kama hadalayo 25 Xisbi ee waqtigan Muqdisho ka jira. Si loo helo Baryadii ay Soomaalidu Ilaahay mar walba ka baryayeen in dalkoodu helo dawladnimo dhamaystiran.

W/Q: Abdishakuur Mire

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid