Qabyaalad Federaaleedka Soomaaliya

By Asad Cabdullahi Mataan

Sida ay taariikhda nabaraysa Soomaaliya ama ummada soomaaliyeed waxay soo martay marxalooyinka kala duwan oo midkastaba huwantahay nidaamkeed gaar ah. Sida Xeer Dhaqameedka, midkii Guumaysiga, Dimquraadiyada (Democracy), shuuciyada (Socialism), iyo Federaalka (Federalism).

Hase ahaatee dhamaan nidaamyadaas ayaa ahaa mid ummada soomaaliyeed banaanka looga soo waariday oo marnaba aysan  talo iyo rabataan midna ku yeelan. Waxaana had iyo jeer laga weecinaayay rabitaankooda iyo ictiqaadkooda dhabta ah taasi oo dhaxalsiisay burbur iyo dib udhac baahsan.

‘Hadafbaa dhismaha baarlamaan lagu hubeeyaaye,
Hadbana shacabku caynkuu yahaa, lagu hogaanshaaye”
Abdullahi S.Timacadde.

Waxaa hubaal ah in ummada soomaaliyeed aysan aqoon ulahayn dhamaan nidaamyadaan kala duwan ee aan kor kusoo xusnay sidookale aqoonyahanada qaar ayaa ku dooda in xitaa Qabyaalada ay soomaalida isticmaasho aqoon durugsan ulahayn oo ay kuqaldantay.

Waana mida kayntay in ummada ay ka biya diido nidaayadaas dhamaantood waxaana ladhikaraa dhamaan nidaamyadii ummada Soomaaliyeed  lagusoo dhaqay ilaahada maguulaysan waxayna kunoqdeen ama ku reebeen een iyo boog aan boqsan.

Lagasoo bilaabo shirkii hogaamiya kooxeedyada soomaaliyeed loogu qabtay Embakasi Kenya, sanadkii 2004 waxaa loo sheeegay in dalka iyo dadka soomaaliyeedba lagu dhaqidoona nidaamka Federaalka ah taasi oo sii fagaysay ragaadkii rajada laga qabay in labixinkaro oo mudo sanadooyin ah loo maaro la,aa.

Had iyo jeer waxaan maqalnaa Nidaamka federalka ee maraykan (American federalism system), Nidaamka federalka  (German federalism system) iyo waxii lamid ah. Lakiin waa maxay Federaal?. Sida uu qeexaaya Qaamuuska (Dictionary) Federaal waa hab ama nidaam awooda dowlinadnimo lagu baahinaayo ilaa heer gobal iyo mid dagmo, awooda iyo taladdana loo qaybiyo gobalada iyo dowlada dhexe ee dalka. Federaalka waxaa sidoo kale uu leeyahay darajooyin (stages) kaladuwan kaasi uu dalkaste nidaamkaas ku dhaqma ka qaato waxa danta ugu jirto maslaxadna u arkaan.

Inkastoo ladhihi karo federaalka faaiido iyo khaasro (Advantage & disadvantage) waa uu leeyahay, ayaa waxaa u malaysaa in ummada soomaaliyeed ay caado noqotay in shaykaste sida xun u isticmaasho tusaala ahaan Qabiilka waxay u isticmaashaa dhanka xun, internet ka oo si qaldan u isticmaasho ama Diinti bariyahan si qaldan loo adeegsado. Sikastooy ahaataba Hadii xitaa aan federaalka dhanka wanaagsan ama faaiidada leh ka eegno waxaa hubaal ah in wadamada ku dhaqma nidaamkaan sina ulamid ahayn soomaaliya hadii ay ahaan laheed Dal, Diin iyo Dad intaba. Khabiirada ku xeesha dheer  soomaaliya iyo soomaalida waxay aaminsanyihiin in nidaamkaan federaalka ahi soomaalidu uyahay wax aan sina u anfaceen balse u horseedi kara dhibaata iyo burbur horleh sida hada muuqataba.

Nicmooyinka faraha badan ee ummada Soomaaliyeed ilaahay ku mannaystay  ayaa waxay dhaxalsiisay xaasid iyo codow farabadan mid dhow iyo mid fog intaba waxaana had jeer codowgeeda ugaarsanaaya geed dheer iyo midgaaban u fooshanyahay sidii awoodeeda uu uwiiqi lahaa. Soomaalidii hore  waxay ahaayeen dad baraarugsan oo ka digtoon dabinka iyo shirqoolada uu codowgeeda umaleegaayo. Markii ay kuftay soomaaliya waxaa fursad dahabi ah ku helay cadowgeeda gaboobay sixuna u lagdooday qaniinyadana dhsb uls helay ula helay.

“Kala qayb oo xukun” waa mabda’a gumaysiga ku caana maalo, horay ayuu ugu isticmaalay soomaaliya oo uu shan qaybood ukala jaray, balse gobanimadii iyo midowgii waqooyiga iyo koonfurta ayaa gumaysiga dhab u fahamsiisay in soomaalidu is urursandoonta meel ay joogtaba, arrintaasi oo guuumaysiga iyo Cadowgaba ku noqotay wadna xanuun, waxayna maleegeen khidadooyin looga hortagaayo arintaas si ay udhicin waxayna ogaadeen waxa kalliya ee arintaasi lagu baajin kar in ayatahay kala qaybinta iyo kala dhantaalida awooda jamhuuriyada soomaaliya taasi oo hada ladhihi karo malaha waxay haleen tabti ugu fiicneed ay soomaaliya kula jarjari lahaayeen taasi oo ah “Qabyaalad federaaleeed”

Mayareen indheer  garadka iyo Abwaanada soomaaliyeed ee horay u bidhaanshay damaca foosha xun ee guumaysiga iyo sida qura ee looga hortagi kara. Allaha Unaxaristee Cabudullahi Suldhaan Timacade geeraar uu tiray 1960kii waxaa uu kuyiri ‘Danteennaa laba diiddaye”waxaa uu sicad ummada somaliyeed ugu sheegay in danta soomaalimo aysan marrnaba aqbalayn laba qaybood markaasi oo kala ahaa waqooyi iyo koonfur. Sugaanyahanada iyo cuqaashi kadanbaysay waxay isla qireen laba(2), lix(6) ama sideed iyo toban (18) midna in aysan danta soomaaliyeed aqbalayn.

Awooda soomaaliyeed oo kala qaybsanta ama baahda waxay fursad siinaysaa Cadowgeeda horarka oo indha kuhaya Badaha xeebta dheer iyo Birriga baaxada wayn ay barwaaqda dhexjiifta, sido kale waxay dhabar jab ku tahay geesiga difaacaya soomaalinimada. Mar uu Timacade soomaalida uga digaayay kala daad sanaanta waxaa uu yiri

“Dunidii ka habsaanay oo
Inagaa ugu dambeyna oo
Dundumaan dhaqdhaqaaqin ee
Dhamantiin dhergi weyney ee
Isu dhiibnay dugaag ee
Soomaaloo kala daadsan
Hadaynaan isu duubin
Durki mayno xadaawe
Cidna daafici mayno. “

Akhristow adiguba aqlaa leedahaye xisaabtaan isku darso. Waxaan ognahay in layiri labo gobal iyo waxii ka badan ayaa Maamul gobaleed noqon karaan .Hadii sadax (3) gobal israaci karaan lix(6) gobal way israaci karaan, hadii lix gobal israaci karaan, toban(10) gobal way israaci karaan  hadii toban gobal israaci karaana Sideed iyo toban (18)  gobal way israaci karaan, marka  soomaliya isma raaci waaynin waa la isu diidanyahay ee adba ogow.

Haddaba yaa isu diidan soomaaliya in ay israacdo, hortaangana hormarkeeda iyo midnimadeeda quruxda badan. Hadii aan dib kuu yara celiyo xusuusnow maahmaahdi aheed “Guduney ima aadan goyseen hadii gabalkay kugu jirin” waxa u horeeya oo eedo iyo masuuliyada xambaaraaya waa innaka soomaalida ah oo sida muuqata aad ay noogu yartahay wadaniyadda oo had iyo jeer uu guumaysiga iyo cadowgana soo dugaashada una ah hooy iyo gabaad.

Caada xumida Dadka Soomaaliyeeed ku soo korortay ayaa waxay tahay in xalka iyo midnabada ay ka goobaan cadowgeeni gaamuray oo had iyo jeer kala goynayay teena iyo baaba eena utaagnaa kana siidarane gacal iyo sokeeya ahaan loo aaminay. Malahayga todabaatan(70) sano kahor ayay aheed markii uu nooga digay arintaas abwaankii waynaa ee Allaha Unaxaristee Xaaji Adan Afqalooc waa kii lahaa.

“Shanta gobakl  kuwii noo dhigaad
Gacal malayseene,
Ayagoo nakala goonaya baad
tallo ka goobteene,
Cadowgeeni gaamuray
ayaad gabarabsanaysaane”

Inta la ogyahay soomaaliya  waxaa jooga oo waqtigaan xaadir ku ah in kabadan toban (10) Dal ciidankood, sida warbaahinta soo tabisay waxaa jiro qaar badan oo cidamadaas kamid ah oo dowlada soomaaliya aysan waxba ka ogayn, wararka qaarna waxay seegayaan in dalalka ay ciidamada ka joogaan soomaaliya ay intaas kabadan yihiin kuwaas oo tacadiyo aygaysteen lasoo sheegaaya ayna ugu danbaysay kufisiga joogtada ah ay ku hayaan hablaha soomaaliyeed ee aadka u da’ada yar duruufta iyo dantana u dheertahay.

Soomaalidu waxay tiraahdaa “Lax kaste shilkay isdhitaa lagu qalaa” ama “Ishiisa laga arkaa ushiisha lagu garaacaa” waxkastee nagu dhacay waa wax aan isyeelnay. Waxaa hubaal ah in hadii soomaaliya sidaan kusii socota ay noqontoonta wax la yiraahdo  bari ayay jiri jirtay annaga oo soo taagana la dhaxlidoona,  midaasina waxay ceeb iyo danbi kunoqondoontaa Jiilkeena maanta nool oo iyaga oo soo taagan qarnigaan kow iyo labaatanaad (21st Century) qayrkood Qayriinka ku qaybsaday.

Hadaba hadii aan ogaanay in jiritaankeena ay ku jirta midnimadeena iyo isku duubnideena, federalkana yahay hoogeena iyo halaageena miyasan nala gudboonayn in aan ka gudubno gafafkiyo colaadaha, Qabyaladiyo kala qaybsanaanta, una gudubno badbaadinta baaqiga harsan iyo Samatabixinta jiilka danbe! Alaylahe haa.

Akhristow  waa in aad ogaataa in aan wali fursad haysano taasi oo lahubin in ay sii jiridoonta waa in aad ogaataa in aysan jirin Soomaaliya cid umaqan oo ahayn adiga, Ogow in Sayid Muhamed Noolayn, Leegadiina (SYL) kadabatageen,  Madaxweene Adan Cade, Dr. Cabdirashid iyo Jalle Siyaadna godka ugu martiyihiin. Waana adiga akhriste qofka larabo kaba hoodi in uu xirto una guntada badbaadinta iyo illalinta danta Dadka, Dalka iyo Diinta. Xusuusnow in markasta Sommaalinimadda iyo Islaamnimadda in ay noqdaan wax qalbigaan kunool loona baahanyahay in aad la godgashid.

W/Q:  Adam Hajji Hussein (Dhamase)
Columbus, Ohio USA
Adama411@gmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid