Faallo: Maxay tahay sirtii ka danbeysay tanaasulka uu sameeyey madaxwe…?

Xoggihii ugu hadal haynta badnaa todoobaad-yaddi uu danbeeyey Somaliland, ayaa noqday warkii ku saab-sanaa inuu madaxweyne siilaanyo, ka tanaasuley hankisii, musharaxnimo ee tartanka madaxweyna-nomo ee doorashadda danbe.xoggahaasi  sidaa kala duwan ay warbaahinta dalku u daabac-day ayaa dhamaantood, ku wadaa-arooraayeey dayro laga qabbo, inuu madaxweyne siilaanyo sii hayn-karo xilka madaxweyne-nimo ee halka danbena isaa-soo sharixi-karaayo, maadaama oo sirta laga heelay saaxiibadda ugu dhow-dhow madaxweyne siilaanyo iyo xisbigiisa.   Arrintaasi oo wali aanay muran-keeda iyo guuxuba dhammaan, balse bustaha uun-dib loogu ceeliyeey.

Hadaba maxaa sababay in laga shakiyo, madaxweynuhuu inuu isaa-soo-taagaayo halka labaad ee doorashadda danbe.?   Su-aashaas jabawaabteeddu waxaa la odhaan-karaa waa mid ku wadaa-adag-shacab weynaha Somaliland oo dhan maadaama oo madaxweyne siilaanyo cadeeyey inuu doorashadda 2016-ka qayb-gallaayo.hadana wali laga shakisan yahay.cidaa warkaas bixisaynaa ay tahay xubnaha ugu dhow madaxweynaha siibaa wasiiradda loo tiriyo inay oday-ga la wadaagan tallaada iyo masuuliyiin xisbigiisa  hoggaamiya oo ay aad isaaggu dhow yihiin.

Madaxweynuhuu ma-isaagga ayaa ka shakisan inuu ka hadho doorashada mise cid kale ayaa kula talisay? Taasina waa su”aal kale oo ay qabbaan shacab weynaha Somaliland, oo hadda la odhaan karo, way ka kalsooni baxeen madaxweynaha oo lagu eedeeyo in taladii loo dhiibey, cid kale ka maroor-satay.cidaas oo anay dooran balse uu isaaggu doortay. Markii uu soo baxay tanaasulka madaxweyneha ayaa waxaa maalmo kaddib, jawaabo aan is-waafaq-sanney siyeey warbaahinta dalka.masuuliyiin tiro badan oo iskaga daba-tegay hadalkaas beenin-tiisa kuwaaso, shaki badan kusii abuurey bulshadda. Waxaana shacabaku la yaabeen kalsooni daradda iyo iska dhaadhicintaa,  masuuliyiintaas oo laha wasiiro iyo hoggaanka xisbiga-ba.     Waxaa wali muuqata muraanno kala geedisan iyo shaki la geelinaayo musharax-nimadda madaxweynaha Somaliland oo dalka debidiisa ku maqan.  Waxaanay xoggaha ay ka heeshay shabakadda warar ee xogreebnews-sheegen in aannu odey-guu diyaar u ahayn inuu dib ugu laabto tallada wadan, balse ay ku qas-bayaan kooxda wax la maamusha iyo qoyskiisa,  oo intaa badan iyadda uu talladeeda aad ugu dhaggo nugul yahay waxaa iyaanna jirta xogo kale oo iyaanna sheegaaya in aannu madaxweyne siilaanyo ku niyad sammeyn inay shacabku siiyan cod uu mar labaad ku fuullo Kursiga iyo inay jirto xaalad caafimaad darro oo sabaabeysaa in u ka hadho doorashadda soo socota.

Waxaana marwadda koobad ee wadanku iyo madaweyne siilaanyo oo aan ku niyad-sammey inuu isaa-soo sharaaxo, ay hadda ku sugaan yihiin cariga Uk.halkaaso ay hadda u joogan laba qodob. Oo kala ah xaaladda caafimaad iyo mid shaqo-baa.wararka shakiga galinaaya musharaxnimada madaxweynaha ayaannu oday siiilaanyo wali si cad uu beenin.

Isku soo wadaa duubo haddii madaxweyne siilaanyo, ka hadho tartanka doorashadda ayeey-noqoneysaa dhacdo ugub ku ah wadanka, iyaadoonay wali dhicin, madaxweyne Somaliland soo maray oo kalkii labaad ka tanaasulla, musharaxnimadda madaxweyna-nimo.waxaanaynu ogooyn dagaalkii qadhaadha ee xisbiga dhex-diisa kusoo dhex maray, madaxweynaha iyo Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Bixi kaddib markii u gudoomiyuhuu sheegay inuu musharax yahay.dhacdadaasi waxay shaki Gelisay in madaxweyne siilaanyo cod ku filan ka waayo.xisbigiisa dhex-diisa.taasina waxaay sababta in muddo la qaban kari waayo shir weynihii xisbiga Kulmiye oo Kolbaa dibu dhacaa. Muraanno iyo dagaal sabaabay in dad badan lo xidh-xidho  ayaa ka dhashay halkaas . iyaaddo ay xilkoodi ku waayeen wasiiro , halka kuwo kaleenna ku sigteen in laga qaado xasanadda.wakhti iyo dhaqaale badan oo la isticmaalay, kadib ayaa hoggaankii xisbiga loola tagay Tolniimo taaso aakhirkii lagu qanci-yeey inuu Gudoomiye muuse bixi tanaasullo, ahaadana hoggaankii xisbiga , markii gartii Guurtida dalka uu kadareemay inay si badheedh ah dhinac wax ugu xukuummeen oo anay si cadaaladd ah wax uu qaadin.

Haddu dhab noqdo tanaasulka odey siilaanyo waxaa suuro gal noqon kartaa innuu xilka musharaxnimadda, laftiisa uu ku wareejiyo, wiilka uu ku abaabiyeey siyaasadda wadanka ee u ka dhicay, wasiirka wasiiradda ay hayb wadaagan, maadaama oo xisbiga loogu manno sheegtay inay beeli dhaqaalo badan ku bixisay.

Qore : Cabdi casiis Bashiir Nuur

info@xogreebnews.com

Tel: 4144434

Hargeisa/Somaliland

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid