Haddaan la kala roonaan roob ma da’o (Heshiiskii Garoowe iyo saameyntiisa)

Maalmahaan danbe, waxa  aad moodaa in aad looga hadlayo maamul loo sameeyo gobalada dhexe iyo heshiiska dhex maray dawladda federalkaa ee soomaalitya iyo maamulka puntland. Heshiiskaan oo aad moodo in uu jawaab u ahaa heshiis awal muqdisho ka dhacay kaas oo tilmaamayey in maamul loo sameeyo gobalada mudug iyo galgaduud.

Waxaad moodaa heshiiskaan danbe ee lagula qaybiyey gobalka mudug, in uu saamaynta ugu badan ku yeelan karo magaala madaxda gobalka mudug ee gaalkacyo, taas oo ah hal magaalo oo la wada degan yahay isla markaana aan lahayn wax calaamada oo kala teeda. Qofkii aan reer Gaalkacyo ahayn makala garan karo xaafada uu joogo in ay tahay Puntland ama in ay tahay Galmudug, maadaama aysan jirin wax calaamad ah oo lagu kala garto meesha kala qaybisa labada dhinac.

Hadaba anigoo ah mawaadin Soomaaliyeed kuna noolaa magalada Gaalkacyo muda dheer, goob joogna u ahaa dhacdooyin badan, waxaan qabaa kala qaybsanaanta magalada Gaalkacyo in ay eedeeda leeyihiin dadka wada degan magaalada dhinacay doonaan ha noqdaane.

Labada dhinacba waxaad moodaa in ay horay uga qayb qaateen kala qaybsanaanta magaalada. Tusaale ahaan markii la dhisay maamulka puntland, ma jirin maamulka galmudug, waxaa fiicnayd in ay la midoobaan walaalahood maamulkana la dhistaan ee aan arinta laga eegin dhinaca qabiilka, sidaas ayey Gaalkacyo markaas mid ku noqon kartay. Marmar badan baan puntland ka maqlay ayagoo leh waa na diideen dadka degan dhinaca koonfureed ee Gaalkacyo in ay puntland ka mid noqdaan. Haddey taas run tahay markaas waxaa eeda lahaa dhinaca koonfurta.

Intii ka danbeesay heshiiskii Gaalkacyo lagu soo wada degay oo ay hormuudka ka ahaayeen Colonel C/lahi Yusuf iyo general Caydiid labadaba Allaha u raxmadee , waxaa marar badan ka dhacay magaadalada dagaalo aan loo baahnayn oo u dhexeeyey dadka walaalahaa oo wada degan magaalada labadeeda dhinac. Dagaaladaan badanaa waxaa sababi jiray aano qabiil, daaqa, ceelasha biyaha laga cabbo iyo arinta gagida diyaaradaha magaalada Gaalkacyo. La yaab maleh in dad reer miyi ah ay ku diriraan baad iyo biyo  waa arin soomaalida dhaqan u leedahay laakiin waxaa cajaa’ib ah in lagu diriro gagida diyaaradaha magaalada.

Arintaan gagida diyaaradaha eedeeda waxaa iska leh cidda ayraboorka maamusha oo ah maamulka puntland sababtoo ah waxay ahayd in ay sheer ama qayb ka siiyaan walaalahooda soomaaliyeed ee magaalada la degan, maadaama ayraboorka ay dhistay xukumad qaran oo loo dhammaa  isla markaana dadka ayraboorka isticmaala ay yihiin labada dhinacba oo dakhligu labada dhanba ka soo xaroodo.

Ugu danbayn soomaalidu waxay ku maahmaahdaa hadaan laka roonaan roob ma da’o. dadka Gaalkacyo degan ma kala maarmaan waa in ay dhinac isu raacaan oo qolo tanaasushaa, ayagaa  wax walba wadaaga. Markale Soomaalidu wax ay ku maah maahdaa oodi ab ka dhoow. Hadii Gaalkacyo dagaal ka dhaco waxay saamaynaysaa reer Gaalkacyo ma saamaynayso dadka degan Bosaso, Guriceel, Garowe iyo Cadaado.

W/Q: Axmed Carab Yuusuf

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid