MUQDISHO oo federaalka laga saaray

Inkasta oo beesha Abgaal ay shaacisay inay maamul u dhiseyso gobollada Banaadir iyo Shabeelaha Dhexe, haddana waxaa qorshahaas caqabad ku ah oo diiday madaxweynaha Soomaaliya, oo tan iyo markii la doortay ceyrsanayey siyaasado ka dhan ah dadka dega Muqdisho iyo gobollada u dhow.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa qorsheenaya dhismaha maamul federaaal ah oo ka kooban Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe. Dhismaha maamulkan, oo lagu daray in Shabeelaha Hoose la raaciyey Bay iyo Bakool, waxa uu ka dhiggan yahay in gobolka Banaadir uu meel cidlo ah kusoo dhacayo, oo aanu ka mid noqon karin maamul federal ah, maadaama dastuurka lagu dhiggay in laba gobol iyo wixii ka badan ay noqon karaan federaal.

Sida hadda wax u socdaan waxaa muuqata in hir-galayaan siyaasadihii ay dejiyeen reer Puntland ee ujeedadoodu ahayd in Muqdisho aysan ka mid noqon maamulka federaalka. Puntland looguma carroon karo arrintan, waxa ay ka shaqeeyeen siyaasad ayaga dantooda ay ka arkeen, sidaa darteedna marnaba qof uguma carroon kartid inuu dantiisa ceersado, balse waxay hilmaameen inay Somalia lugaha ka xireen. Waxaa qorshahaas ku raacay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, waxaana muuqata inuu raali ka yahay madaxweynaha iminka talada haya ee Xasan Sheekh Maxamuud. Waxaa nasiib darro ah in laabada madaxweyne ee qorshahan aqbalaya ay kasoo jeedaan beesha Abgaal oo ah beesha ugu badan ee degta gobolka Banaadir, inta bandanna maamulkeeda ayaga lagu ixtiraamo.

Inkasta oo weli Muqdisho, aan si rasmi ah looga saarin federaalka Soomaaliya, haddana sida iminka wax u socdaan, oo ay beesha caalamka iyo dalalka deriska ah wax u wadaan, waxaa cad in Muqdisho laga taqalusay. Maqaamka Muqdisho waxa uu dastuurka Soomaaliya kaga hadlay qodobka 9-aad, mana ahan wax cad oo qayaxan, waxaase uu u dhiggan yahay sidan:

Qodobka 9aad: Magaalo madaxda Qaranka

1. Muqdisho oo loo yaqaanno Xamar waa Magaalo madaxda Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya.

2. Maqaamka ay Magaalo madaxdu ku leedahay qaab dhismeedka federaalka ee Jamhuuriyadda, Baarlamaanka Federaalka ayaa sharci gaar ah ka soo saaraya.

Qalad weyn iyo dadnimo xumo ayay ahayd in Shariif Sheekh Axmed uu aqbalo in isaga oo madaxweyne ka ah Soomaaliya, qodobadaas kor ku xusan lagu dhigay dastuurka Soomaaliya, welibana saameynaya magaaladii dadkiisa. Xasan Sheekh-na isaga waxba ma dhaamo.

Maxay ka dhigan tahay?

Ka maqnaanshaha Muqdisho ee federaalka, waxa ay ka dhigan tahay in beelaha Abgaal iyo Hawiye-ba aysan awood ku yeelan doonin nidaamka federaalka ee fitanada ah ee Somaaliya. Muqdisho, waxaa la rumeysan yahay inay ku nool yihiin dad kor u dhaafaya 2 milyan, oo badankood Hawiye ah, taasi oo u dhiganta 20% shacabka Soomaalida. Haddii Muqdisho aysan federaalka ka mid ahayn, waxaa taa macnaheedu yahay in dadkaasi aysan cod ku lahyan Soomaaliya, sababta oo ah waxaa dastuurka uu dhiggayaa in maamulada federaalka ah oo isku tagay ay soo dhisayaan dowladda dhexe.

Rajada Muqdisho

Ma muuqato wax rajo ah oo Muqdisho ay saameyn ugu yeelan doonto Soomaaliya, sida iminka wax u socdaan. Rajada kaliya ee Muqdisho waxa ay tahay in baarlamanka Soomaaliya ee iminka jira uu Muqdisho ku qeexo inay qeyb ka tahay maamulka federaalka, taasi oo aan dhici doonin, marka la eego dhowr qodob.

Waa tan koowaad, beesha caalamka kuwa lagu sheego oo tan iyo intii ay disantay dowladda Xasan Sheekh waday ficillo ka dhan ah dadka Muqdisho, gacanta ka bixiyey dhul badan oo beelaha Hawiye ay degaan, tusaale Shabeelaha Hoose iyo gobollada Jubbooyinka, oo qalin lagu siiyey maamulada kala ah Jubba iyo Koonfur Galbeed.

Tan labaad, shacabka, xildhibaannada iyo siyaaisyiinta Hawiye, oo aan marnaba ku baraarugsaneyn arrimahan, ama og balse ay ka maqan tahay kartidii ay ku qaadi lahaayeen tallaabooyin ay ayaahada uga tashanayaan.

Tan saddexaadna, ninka iminka dastuurka gacanta ku haya ee Faarax C/qaadir, oo tan iyo markii uu xafiiska yimid ceersanayay qorshayaal ka dhan ah dadka Muqdisho iyo Hawiye. Faarax C/qaadir kaliya datsuur gacanta kuma hayee, waxa uu sidoo kale gacanta ku hayaa Soomaaliya, waayo isaga ayaa maamula Xasan Sheekh, oo markii horeba aan laga fileyn karti uu xittaa hal mar ku diido siyaasadaha lagu xaqirayo dadkiisa, oo ay ceyrsanayaan kuwa beesha caalamka loogu yeeray, balse ay beelo gaar ah ku adeeganayaan.

Si kastaba, dadka Muqdisho iyo Koonfurta Soomaaliya dega (Hawiye), waa dad tiro-badan, waana dadka ugu tirada badan ee dega Soomaaliya, sida ku cad buugga xaqiiqda ee CIA-da Mareykanka (CIA World Fact book), mana dhici doonto in la xaqiro, cod loo diido ama dhulkooda la xoogo. Dhul kasta oo qalin iyo gar-darrada beesha caalamka looga qaatayna, waxaa la iska doonayaa in loogu yimaado, lagana kacsado. Haddii beesha caalamka, Amisom, Kenya iyo Ethiopia ay weligood joogayaan Soomaaliya, taa waxa ay ka dhiggan tahay dowladnimo la’aan, haddii ay baxaanna, waxa ay ka dhigan tahay in dadka la isku dayayo in la xaqiro aan la xaqiri karin, sidaa darteedna marnaba maaha dad meel cidlo ah kusoo dhacaya.

Maxaa xal ah?

Dadka ceersanaya qabyaaladda iyo siyaasadaha lagu collaadinayo dad gaar ah, waxaa muhiim ah inay fahmaan in federaaal uusan xal u ahayn Soomaaliya, in dadka ugu tirada badan Soomaaliya aan qalin lagu baadi karin, in xalka Soomaaliya uu ku jiro in la iska daayo is-colaadinta qabyaaladeed, loona qiro qabiil iyo bulsho kasta inay dalkan wax ku lee yihiin. Ku fekerka in qabiil gaaar ah uu ka sarreeyo Soomaalida oo idil, waa wixii 23 sano dalkan uu u fadhiyey, islamarkaana raadinta siyaasadaha ka dhanka ah qabiilo gaar ah aysan wax macno ah sammeeneyn haddii aysan jirin awood lagu maquunin karo, waayo durbaankii la xado, waxa la rabaa meeshii lagu yeerin lahaa, waxaana taa la macno ah, dadkii qabyaalad iyo qalin in lagu xado la doorbiday in la iska rabo in loo yimaado oo la maamulo.

Soomaaliya iska dhaafee, waxaa Soomaalida oo idil ka badan hal gobol, oo ay wada degi karaan, kuna noolaan karaan, sidaa darteedna Soomaaliya idil waa ay na wada qaadaa, ee dadka dad gaar ah collaadinaya ha ogaadaan in ayaga ay Soomaaliya u xayiran tahay.

W/Q: Guuleed  Axmed Guuleed

Muqdisho, Soomaaliya

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid