Heshiiska laba Cabdi Weli waa baadil

Ninbaa beri waxaa la yiri “naagtaadi waa dhicistay”.  Wuxuu ku jawaabay “anigaa weel hoos u jeeda wax ku shubtay”…annagu waxaan adeegsannay dad gacanaha ku socda oo madaxoodu hoos u fooraro markaasaan ka sugeynaa inay wax toosan oo sax ah noo keenaan.

War aaway dadki aqoonta u lahaa ( constitutional law) oo wax ku bartay af-talyaaniga (diritto costituzionale) uu ka mid yahay Guddoomiye Jawaari iyo qaar kale oo badan ( waa haddii ay wax ka xasuustaan wixi ay soo barteen).  Ma waxay u baqaayaan boosaska ay heystaan inay waayaan haddii ay runta ka sheegaan waxa ka dhacay Puntland mase khaladka aadka u weyn ee qarnigaan dhacay ayaa sax ugu muuqda?!!!

Waxaa nasiib darro weyn ah in dad aad u fara badan ay meesha shirku ka dhacaayay joogeen, dadkaas oo isugu jiray Somali iyo ajaanib. Dadkaas aqoontooda iyo  takhasus-yada ay heystaan aad ayey u kala duwanaayeen, waana lagama maarmaan in meesha lagu diyaarinayo heshii (agreement) laga helaa dad sharci-yaqaan ah oo ka tala bixiya in shirku yahay mid sharciga waafaqsan.  Haddaba, heshiiska laba Cabdiweli maxaa baadil ka dhigaya ( unlawful) oon wax sharci ah sal ku lahayn?  Waa mustaxiil inuu dhoco shirkaas oo u dhexeeya Dowlad iyo Gobol dalka ka mida waana mid dustuurka ku-meel-gaarka loogu gefay!!!

  1. Dhinacyada heshiiska dhiganaya waa in la qeexaa magacooda sharciga (legal/official name), sida ku cad khariidada iyo dastuurka dalka. Heshiisyada (agreements) waxaa laga ilaaliya waxa lagu magacaabo (other interpretations) ama wax keeni kara (reading between lines) oo dhinac waliba siduu doono u fasiran karo.      Ma jiro sharciyyan wax la yiraahdo DOWLADDA PUNTLAND. Qaynuunka wuxuu farayaa in loogu yeero MAAMAUL GOBOLEED, haddii kale waxay u muuqanayaan LABA DOWLADOOD oo siman waana arrinta baadil ka dhigtay heshiiskan gebi ahaantiisa.

Haddii Puntland ay rabto inay magac DOWLAD loogu yeero waa inay ka hoos-baxdaa dallada Somaliya oo dadka ugu jira barlamaanka, wasiirada, saraakiisha cidamada iyo shaqaalaha rayidka ay ka hayaamaan Xamar kuna biiraan DOWLADDA PUNTLAND!!!  Berigii C/weli Gaas weydiistay xildhibaannada P/land inay ka soo baxaan Xamar waa ka diideen, waayoo waxay ogyihiin inaysan jirin meel ay 3,000 dollar ka heli karaan adduunka.

  1. Deeqaha la siiyo dowladda dhexe gobol si gooni ah wax looga sii karo ma jiro in heshiis laba dhinac ah lagu soo darana waa baadil. Waayoo waxa jira gobollo kale oo ka mudan Puntland oo wadcigooda dhaqaale uu ka fiican yahay badi gobollada dalka, haddii laga reebo Gobolka Banaadir.
  1. Waa arrin caqliga ka weyn in shahaaddooyin ay bixiyaan Puntland kana dalbadaan dowladda dhexe inay aqoonsato, iyadoon la mideyn la iskuna af-garan manhajka wax lagu dhigo oo ay weliba codsatay in dalka Sudaan laga aqoonsado shahaadada si ay u helaan deeqo-wabarasho iyaga gooni u ah. Alla yow sheega ummaddaan aqoonta ka arradan in Gobol shahaaddo bixin karaa uusan jirin, manhajka dalkana waa mid mideysan oo ciddii ka tallaabsata aysan dowladda iyo dibadda midna aqoonsi ka heleynin. Tani waxay ka mid tahay qodobada ka dhigaaya heshiiska mid aan jiri karin.  Intaa ayaa nooga filan qodobada ku saleysan khaladka ee lagu sheegay heshiis laba dowlo ay kala qorteen.

Markhatiyaashi ( international observers )

Dadka ka socday ururada dibadda sida QM, IGAD, EU, Ethiopia iyo wixi soo raaca ma waxay moodeen in markhati-nimadooda ay xalaal ka dhigi karto ama sharciyeyn karto heshiiskan xaraanta ku qotoma oo aan lahayn saldhig sharci ha ahaado maxalli iyo mid caalami ah toona. Ma jecli inaan mid-mid uga hadlo dadka meesha joogay, laakin qaarkood in la xuso waa arrin loo baahan yahay si ay u gartaan akhristayaashu maqaamka markhaatidaani (shaahid-zuur) ku leeyihiin saaxada Somaliya. Their legal positions and duties, if any.

  1. Nicholas Key: wakiilka  Xoghayaha Guud ee Q.M. waa ruux wax      xun iyo wax fiican aan kala jecleyn, waxaana laguu sifeyn karaa

hal-ku-dheggi reer Bay oo ahaa”intee injeede kiila jiraay”. Haddii xukumaddu heshiiska ka soo horjeesato berrito isagu waa ku raacayaa.

  1. Max/ed Cabdi Afey: wakiilka IGAD! Waa nin faashil ah oo wax uu ku wanaagsan yahay la waayay, NFD waa laga nacay, waxaana loo keenay naas-nuujin si boobka lagu hayo deeqaha dalkaan la siiyo uu qayb uga helo si uu jufadiisana ugu adeego. Dembiyo fara badan ayuu dalkan ka galay, waxayna ahayd in la yiraahdo PERSONA NON GARATA dalkana uusan soo geli karin.
  1. Wakiikla Ethiopia: shakhsiyan fikrad kama heysano, waxaase loo keenay, sida aan fileyno, in wax wanaag ah aysan meesha ka dhicin, markey arrintu dhammaatana farqaha la iswada qabsado sida hadda dhacday!

Arrin naxtin badan.

Madaxweyne Xasan Sheikh heshiiska waa ammaanay wuxuuna ku sheegay tallaabo loo baahnaa…Wuxuu moodayaa in mushkiladi Puntland ay halkaa ku dhammaatay..Ma oga inay hadda billaabatay tii hore mid xun kana daran…waxaa la yiraahdaa doqon iyo dabaal deris ha ka dhigan. Puntland waxay kaa dalban doonaan in safar kasta ood aadeyso uu ruux Puntland ah ku raaco, warqad kasta ood saxiixeyso inuu kula saxiixo nin iyaga ka socda oo Madaxtooyada kula fadhiya.  Taleefanada aad dibadda kula hadasho waa inay ogaadaan tafaasiishooda.. intaan u qaado kaftan iyo riyadi Ina Gaas

oo rumowday oo maanta u muuqda halyey guul weyn soo hooyay!!.

Xaaladda uu ku sugan yahay M/weyne Xasan Sheikh.

Madaxweyne Xasan Sheikh waxaa ku furan olole aad u baaxad weyn oo lagu raadinayo in dowladdiisa ay burburto dhinacyada dabada ka riixayana ay aad u tiro badan yihiin. Fara laguma hayo  sida aan maleynayo xataa ruux si cilmiyeysan uga jawaabi kara qoraallada eedeymaha ee Monitoring Group ( well known  entity, whose real motivations are questionable. Their criticism and baseless accusations are solely intended to discredit Xasan Sheikh’s unfruitful efforts). Cid kaa canaanatana ma qabtid.

Taa waxaa la mida inaadan heysan la-taliye xagga sharciga oo aqoon waafiya u leh sharciyada adduunka iyo kuwa dalka si aad uga nabad gasho siririqasho kale oo la mida ama ka daran tan hadda aad ku dhacday markaad aqoonsatay heshiis-ku-sheega lala galay Puntland. 

W/Q Axmad Calasow

bashaar10@outlook.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid