FOOL-XUMADEENU WAA INOO FAAN !!

Aqriso dood dhex martay Weriye Dhaaley iyo Nin Soomaaliyeed!! (Xaqiiqooyin jira)
 
Cinwaanka Sheekada: Fool-xumadeenu waa inoo faan!!
Adeeroow ninkaas aad maantoo dhan caynayso aniga maahiye, armuu Jinni nala jira!! Sidaas ayaan ku iri markuu Sagaal daqiiqo oo xiriir ah igu lahaa :

Berigii saas iyo saas
Beeshiinaan la dagaalnay
Inta aan bursanaan
Hantidoodi ka boobnay
Bilcaamihiina dhammaan
Bacadkaan dhiganoo
Kufsi baan u bareernay
Baroortooda dhawaaqa
Cidna soo bixi wayday
Ee ma hadaad nin balaayiyo
Boqortooyo ahaatay
Ood baasheeydiyo geeskiyo 
Barbarkeyga istaagtay

Wuu yaabay, Dhinacyaduu dayay. Malaha Jinnigii ayuu run u mooday. Wuxuu igu yiri: Oo sideed ku tiri?

Waxaan iri (Waxa aad sheegtay sow caay aad i caaynayso iyo amaan adiga kugu socotao isuguma jirto?). Haa ayuu deg deg ugu jawaabay.

(Hadaba intaasiba caaydeyda maaha. Adiga amaantaadana iilama eka. Ee hadaysan wuxuu Luuqad kale ahayn, malaha dad kalaad la hadlaysay ama ka hadlaysay ee duulal qarsoon reedaheena ka fiiri) ayaan ku celshay.

Ugu dambeyn waxaan ku iri:

Beesha aad ka hadlaysaba

Abidkeey kuma biirin

Hadaad baaba’ sameysiyo

Haddii aad boqna gooysay

Boqolaala qofood

Amaad boob ku dhaqaaqday

Adigaa bahaloobay….

Hadduu darajadiisa cilmiga iigu faani lahaa ooyin buu i badi lahaa iyo inaan kaligeey is ciilo saa waa tan aan u aqaan inay dad tartamiso misna kala tagsiisee.

DHAALEEYW/qoray: Mohamed Abdullahi Abubakar (Dhaaley)

Facebook: https://www.facebook.com/mohamed.dhaaley