Fallanqeyn: Gefkii & sharci-darradii uu C/Weli ku galay heshiiskii Puntland iyo boobka lagu hayo dhaqaalaha XAMAR

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaare Cabdi Weli oo hogaaminaya wafti ay kamid yihiin Wasiirada Qorsheynta iyo Tacliinta sare Saciid iyo Ducaale iyo Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Somalia Mahad Cawad ayaa la soo saxiixday maamulka Puntland heshiis ku salaysan cadaalad darro iyo jabinta dastuurka dalka.

Federaalka Somalia oo aan ku dhisneyn qabiil, basle dastuurku qorayo in labo gobol iyo wixii ka badan noqon karaan maamul goboleedyada Soomaaliya laga hergelinayo ayaa masuuliyiinta uu hogaaminayey ra’iisul wasaare Cabdi Weli waxa ay si sharci daro ah usoo saxiixeen oo Puntland ka ogolaadeen in Gobolka Mudug loo qeybiyo labo qeybood oo ah qaab qabiil, sidoo kalana ay soo saxiixeen in maamulka Gobalada dhexe ee Soomaaliya uu noqdo hal gobol iyo Bar, taas oo ah mid dastuurka dalka Somalia ka hor imaneysa.

Su’aasha shacabka Somaliyeed is weydiinayo ayaa ah haddii ra’iisul wasaare Cabdi Weli saxiixo oo ka ogolaado in Mudug la qeybiyo, maxaa diidaya in la qeybiyo Gobollada Gedo, Jubada Dhexe, Jubada Hoose, Bakool, Sh/Hoose, Hiiraan iyo dhamaan Gobolada Soomaaliyeed oo ay wada degaan qabaa’ilada kala duwan ee Somalia.

Cadaalada darada iyo u kala qeybinta qaabka qabiilka ah oo aan xalka loo heli doonin mustaqbalka oo uu soo saxiixay ra’iisul wasaare Cabdi Weli ayaa noqonaysa qiyaano qaran oo uu galay Cabdi Weli oo ay tahay inuu xilkiisa ku waayo, haddiiba ay jiraan xildhibaano Soomaaliyeed oo gudanaya xilkooda.

Xildhibaanada Soomaaliya ayay noqonaysaa haddii aysan heshiiskaa sharci darada ah wax ka qaban inay u laabtaan gobolada ay kasoo jeedaan maadaama Cabdi Weli iyo xubno ka mid ah xukuumada ay soo saxiixeen inaan dadka Soomaaliyeed wada noolaan Karin, maamulna wada sameysan karin.

Ra’isul Wasaare Cabdi Weli, Wasiirada kala ah Ducaale, Saciid iyo Xildhibaanada ay ka mid yihiin Mahad Cawad iyo Xasan Abshir ayay tahay inay fahmaan magaalada Muqdisho inay tahay mid ka mid ah 18-ka gobol ee Somalia, Muqdisho qabiilka uu ilaah ka dhigay dhulkiisana aqbali karin in kaliya loo dawladeeyo shacabka Muqdisho oo canshuurta laga qaado shacabka Muqdisho qeybsadaan dadka kasoo shaqo tagay gobolada kale ee Soomaaliya.

Maamulada Goboladaas sida Puntland iyo maamulka KMG ah ee Juba oo aaminsan in Canshuuraha iyo Maamulka deegaanadoodu gaar u yihiin, halka Raisul Wasaare Cabdi Weli, xildhibaan Mahad Cawad, Wasiirada kala ah Ducaale, Saciid iyo Xildhibaanada kasoo jeeda Puntland oo ku wehlinayey safarka oo masuuliyada ay sheeganayaan gebi ahaan tahay mid Somaliyeed, balse u dhaqmaya in DF Somalia tahay Muqdisho kaliya, Masuuliyiintaan soo shaqo tagay oo arkay in dadka Muqdisho lahayn cid u hadasha ayaa dhamaantoodna maamula dhaqaalaha dadka reer Muqdisho.

Cadaalada darada kale oo ku jirta heshiis beenaadka waxaa kamid ah “Shahaadada Puntland waxay u ekaanaysaa midda dawlada Federaalka waxaana lagu dhigayaa astaanka DF iyo mida Puntland” Dawladda Somalia-na waxay u gudbineysaa Dawladda Sudan iyo Dawladaha kale inay aqoonsan tahay shahaadada Dugsiyada Sare ee Puntland”. Haddii DF Soomaaliya ogolaato in Puntland Xildhibaanada, Wasiirada iyo xubnaha kale ee ugu jira DF Soomaaliya aysan ku meteli karin kaliya in Dalka Somalia lahaato shahaado mideysan oo kasoo baxda DF Soomaaliya hadde taasi waxay ka dhigan tahay in Gobol kasta oo Soomaaliya kamid ah oo ay ku jirto caasimada Muqdisho uu yeesho shahaado u gaar ah, shahaado Federaal oo loo ekaanayana aysanba jiri karin Maadaama shacabka soomaaliyeed gobol kasta uu ku noolaado wuxuu xaquuq u yeelanayaa inta loo ogolaaday Puntland.

Muqdisho waa Magaalada kaliya ee Soomaaliya kamid ah ee shacabka ku nool canshuurta laga qaado aan wax loogu qaban, Canshuurta laga qaadana ay mushaar u qaataan xildhibaano aan ogoleyn in Muqdisho hormarto, sidoo kalana Canshuurta laga qaado miisaaniyad ay ka dhigteen Xukuumad iyo Baarlamaan markii at tagaan Gobolada kale ee Soomaaliya wadahadal ula soo gala sida dal kale.

Gudoomiye Muungaab oo ugu danbeyn fahmay cadaalad darada sii baahaysa oo xubnaha DF Soomaaliya iyaga oo isticmaalaya calooshood u shaqeystayaal u dhashay Gobolka Banaadir sida wasiiru Dawlaha Maaliyada oo gobolka Banaadir haatan canshuur kusoo rogay Caanaha, qudaarta iyo cawska yimaada Gobolka Banaadir ayaa sheegay inuu is casilayo oo uusan ilaashan doonin kaliya duqa iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaad tahay.

Aqristow is weydii caqliga Wasiirka Maaliyada Xalane iyo Gudoomiyaha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya ay u maamulayaan iyaga oo isticmaalaya magaca federaalka Canshuuraha laga qaado shacabka Muqdisho oo ay ku jiraan Dekeda iyo Garoonka, marmarka qaar Maamulka Gobolka Banaadir ee uu Muungaab hogaamiyo looga siiyo kaliya 15% daqliga kasoo xarooda Gobolka Banaadir, Halka gudoomiyayaasha Puntland iyo MKG Juba Cabdi Weli Gaas iyo Axmed Madoobe oo weliba ku qabiil ah madaxda labadaan maamul ay u maamushaan canshuuraha gobolada ay Maamulaan 100% oo ay ku jiraan Dekedaha Boosaaso iyo Kismaayo.

Haddii dalku federal yahay, maxaa diidaya in gobolka Banaadir uu maamulka 100% dhaqaalihiisa, kadibna wixii xuquuq ah ee federaalka ku lee yahay uu iska bixiyo.

Si kastaba, caddaalad darrada Muqdisho lagu hayo ma dhammaan doonto inta dadka u dhashay Muqdisho ay yihiin kuwa aan baarugsaneyn, islamarkaana madaxweyne Xasan Sheekh yahay madaxweyne magac u yaal ah, oo aanba la socon sida xaal yahay, oo waqtigiisa safar un ku dhammeynaya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com