25.6 C
Mogadishu
Tuesday, June 24, 2025

Faarax C/qadir oo difaacay A/Madoobe

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka garsoorka iyo arrimaha dastuurka Faarax Sheekh Cabduqaadir oo ka hadlaayay heshiis bishii August uu Addis Ababa kula saxiixday hoggaamiyaha maamulka KMG ah ee Jubba ayaa ka warbixiyay heshiiskaas in uu dhaawacayo dastuurka KMG ah iyo in kale.

Wasiirka oo ka qeybgalaayay barnaamijka Faaqidada Toddobaadka ee ka baxa VOA-da ayaa sheegay in heshiisyada lagu dhisay maamullada KMG ah ee Jubba iyo Koonfur galbeed aaney dhaawaceynin dastuurka dalka.

Wasiirka oo ka hadlaayay heshiiskaas uu u saxiixay dhinaca dowladda ayaa sheegay in uu yahay mid aan waxbo u dhimmi doonin dastuurka dalka.

Heshiiskaas ka hor inta uusan dhicin waxaa jirtay in bishii May ee sannadkii hore magaalada Kismaayo ay ka dhaceen dagaallo u dhexeeya maamulo iska soo horjeedo, waxaana dowladda Soomaaliya ay sheegtay in aysan aqoonsaneen maamulkii Jubba, balse bishii August ayaa dowladda iyo maamulka Axmed Madoobe ay heshiis ku gaareen Addis Ababa, waxaana magaca laga badalay maamulka oo waxaa laga dhigay maamulka KMG ah ee Jubba oo labo sanno ayuu jirri doonaa.

Bishii March ee sannadkan ayaa dowladda Soomaaliya waxaa ku soo furmay khilaaf cusub Kaddib markii labo maamul oo la baxay koonfur galbeed looga dhawaaqay Baydhabo, balse bishii hore ayey dowladda ku guuleysatay in ay dhexdhexaadiyaan labada maamul waxaana lagu mideeyay hal maamul oo ah seddax gobal kaasoo ah isna KMG ah.

Haddaba heshiiskaas ayaa waxaa ku kala qeybsamay dowladda, qabaa’ilada iyo maamulada qaar ee laga dhisay dalka.

Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil wuxuu sheegay in wasiirka arrimaha gudaha iyo fedaraalka uusan ka soo horjeedin heshiiska lagu mideeyay maamulka Koonfur galbeed balse wuxuu ka xumaaday in la garab maro isagoo jooga lana dhiso maamul khilaaf cusub wata.

“Wasiirka waan la lahadlay wuxuuna ii sheegay in uu doonayay in uu hoos ka soo billaabo isagoo waliba rabay in uu ka qeybgaliyo xildhibaannada balse waa loo garab maray” ayuu yiri wasiirkii hore ee dastuurka Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil.

Si kastaba, Faarax Sheekh Cabduqaadir ayaa leh waxaan sameenay wax yaabo badan oo in la amaano mudan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News