Sawirro: DF oo faah-faahisay weerarkii lagu qaaday banaanka xarunta BFS

Muqdisho (Caasimada Online) – Masuuliyiinta dowlada Soomaaliya ayaa ka hadlay weerarkii la damacsanaa in maanta lagu qaado banaanka hore xarunta baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Afhayeenka hayadaha amaanka dalka Soomaaliya Qaasim Axmed Rooble oo saxaafada kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in afar ruux oo ka kooban labo ciidan boolis ah iyo labo caruur barakacayaal ah ay ku dhinteen qaraxa oo ka dhaca meel ku dhow dhismaha baarlamaanka.

Wuxuu sidoo kale sheegay in ciidamada booliska ay ka dhaawacmeen ku dhawaad afar kale kuwaasi oo uu sheegay in la geeyay xarumaha caafimaadka ee magaalada Muqdisho.

Ra’iisul wasaaraha dalka oo qoraal kusoo qoray bartiisa Twitter-ka ayaa cambaareeyay weerarkaasi, wuxuuna tacsi u diray dadka ku dhintay eheladooda.

Sidoo kale war kasoo baxay xafiiska Nickolas Kay ayaa lagu cambaareeyay weerarkaasi, waxana lagu sheegay inay taageerayaan dowlada Soomaaliya.

say 1say 2say 3say 4say 5say 6

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com