Tarsan oo isu diyaarinaya doorashada

London (Caasimada Online)- Guddoomiyihii hore ee gobalka Banaadir ayaa sheegay in uu lee yahay Hammi siyaadeed oo aad u weyn taasoo in uu mar noqdo madaxweynaha Soomaaliya.

Isagoo u warramayay BBC-da ayuu sheegay in Hammigiisa siyaasadeed uu yahay mid uu ku doonayo in uu kasbado shacabka Soomaaliyeed ee uusan ahayn mid waalan oo dadka lagu argagixinaayo ama ajnebi lagula hoos tagaayo.

“Anniga ma qarinayo waxaan lee yahay Hammi siyaasadeed, xaq baan u lee yahay in aan dalkan xil ka qabto, laakin ma ahan hammigeyga mid dowladda lagu duminaayo, mid dowladda looga soo horjeedo, mid ajnebiga dalka la keenaayo ee waa mid dadka lagala tashanaayo wax kasta” ayuu yiri Tarsan.

Tarsan ayaa dhinaca kale sheegay in socdaalka uu ku maraayo Yurub iyo Maraykanka uu qeyb ka yahay siddii shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan dhallinyarada ay uga qeyb qaadan lahaayeen dib u dhiska iyo nabadeenta dalka.

“Dalkan xildhibaankii soo galay siyaasadda 1960-kii wuxuu rabaa in uu sii ahaado xildhibaan, wasiirkii soo qabtay 1960-kii wuxuu rabaa in uu soo joogo xilka, arrintaas ma soconeyso” ayuu yiri Tarsan duqii hore ee Muqdisho.

Si kastaba, Tarsan ayaa hadda billaabay olole uu ku doonayo in uu isku soo taago xilka madaxweynaha doorashadda lagu wado in ay dhacdo sannadka 2016-ka, waxaa arrintaas caddeen u ah sidda uu hadlay iyo qorshaha uu lee yahay.

Tarsan ayaa ahaa guddoomiyihii ugu wax qabad badnaa ee soo maray gobalka Banaadir tan iyo markii ay burburtay dowladii dhexe muddo haatan laga joogo 23-sanno.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com