Sawirro: Xildhibaan xog ka bixiyey sida uu u dhacay weerarkii maanta ee BF

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdirashiid Xaaji Deerow oo ka mid ahaa xildhibaannadii maanta ku sugnaa xarunta baarlamaanka xilligii u dhacayay weerarka ayaa ka warbixiyay waxa uu maqlay iyo sidda jawiga uu noqday.

Xildhibaanka oo la hadlay VOA-da ayaa sheegay in weerarka lagu soo qaaday xarunta maanta uu ahaa mid aad u culus isagoona sheegay in uu weerarka gilgilay dhimaha xarunta oo xilligaas uu ku sugnaa.

Wuxuu sheegay in xildhibaannada baarlamaanka ay maanta lahaayeen kulan balse markii uu weerarka dhacay in kulanka la baajiyay maanta ciidamo badan ay ku geeriyoodeen goobta.

“Weerarka aad buu u cuslaa oo waxaa gariiray dhismaha xarunta oo xilligaas kulanka ayaa billaaban rabay waxaana ay saacadu ahayd abaare 11-kii oo daqiiqado la’” ayuu yiri xildhibaan Cabdirashiid Xaaji Deerow.

Xildhibaanka ayaa sheegay in xildhibannada ay lee yihiin haddiiba siddan uu maalin cad weerar lagu qaadayo xarunta baarlamaanka waa adkaan doontaa sidda lagu sii shaqeeyo.

Ma ahan markii ugu horreysay oo weerar ismiidaamin ah lagu qaado xarunta baarlamaanka 24-kii bishii March ayey ahayd markii weerar xooggan oo socday muddo saacado lagu qaaday xarunta kaasoo geestay khasaaro dhimmasho iyo dhaawac ah.

Waxaa sii kordhaya weerarrada lala eeganaayo xildhibaannada baarlamaanka Khamiistii ayey ahayd markii xildhibaan la dilay mid kalena lagu dhaawacay kaddib weerar rag hubeysan oo watay baabuur ay la eegeen degmada Xamarweyne ee magaalada Muqdisho.

say 1say 2say 3say 4say 5say 6

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com