KENYA oo sheeko cusub soo dhisatay: Markab Muqdisho ka tagay oo ay…

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa shaacisay in ay baadigobeyso markab sida daroogo oo ay sheegtay inuu ka sooo ka soo shiraacday dekedda Muqdisho.

Ku-simaha guddoomiyaha Lamu oo ka hadlay Idaacadda Capital FM ee Nairobi ku taalla ayaa sheegay in ay heleen xog ku saabsan markab lagu magacaabo MV Al-Nuur oo ka soo baxay dekedda Muqdisho ee caasimada Soomaaliya in uu sido xamuul daroogo ah.

Wuxuu sheegay oo kale in markabka uu markii hore ka yimid dalka Pakistan halkaasoo si waalan looga beero daroogada waxaana loo maleenayaa in uu halkaas ka soo qaaday.

Wuxuu sheegay in markabka shaqaalaha saaran loo sheegay in ay wadaan SHAMIITO ama sibir balse xaqiiqdu ay tahay in uu sido shixnad daroogo ah.

Wuxuu sheegay oo kale guddoomiye ku xigeenka gobalka Laamuu in markabka uu ku soo wajahan yahay dekedda Mombasa halkaasoo uu u sido daroogada.

Dhinaca kale, sarkaal kale oo u hadlay hey’addaha ammaanka ayaa isna sheegay in markabka ay la socdaan 10 shaqaale ah oo 7 ka mid ah ay u dhasheen dalka Pakistan, labo Hindi ah iyo hal Iran ah.

Sheekadan cusub, oo ay Kenya keentay ayaan la garaneyn waxa loola jeedo, ayada oo ay tahay wax la yaab leh in Markab daroogo ay ka buuxdo uu kasoo tago Muqdisho, maadaama Muqdiho aysan ahayn meel daroogada lagu beero ama looga ganacsado.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Caasimada@live.com