Faarax C/qaadir & Daahir Geelle oo fashiliyay qorshihii Xasan Sh.

Muqdisho (CaasimadaOnline) – Warar hoose oo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Xildhibaan Faarax C/qaadir iyo Daahir Maxamuud Geele oo ah Danjiraha Somalia u fadhiya dalka Sacuudiga ay u heshiiyen Madaxweyne Xassan Sheekh.

Wararku waxa ay sheegayaan in Xildhibaan Faarax iyo Daahir Geele ay Xassan Sheekh ka xireen xiriirkii siyaasadeed ee kala dhexeeyay dowladaha carabta ee horay u ballanqaaday inay ka caawin doonaan dhanka doorashada.

Dowladaha ay labadaasi mas’uul ka carqaladeeyen Xassan Sheekh ayaa waxaa la sheegay inay kamid yihiin Qadar, Masar iyo Sacuudiga oo durba bilaabay inuu u deyriyo Madaxweyne Xassan Sheekh.

Xildhibaan Faarax C/qaadir iyo Daahir Geele ayaa waxa uu xiriir fog kala dhexeeya dowladaha carabta ee inta badan gacansiiya dowlada Somalia, waxa uuna arrinkaani imaaday kadib markii Xassan Sheekh uu xumeeyay saaxiibkii Xildhibaan Faarax C/qaadir.

Xassan Sheekh ayaa sidoo kale, la sheegay in Danjire Daahir Geele uu ku wargaliyay inuu ka qaadi doono xilka Safiirnimo, taasi oo sabab u noqotay in Mr Daahir Geele uu ka gaashaanto dagaalka cusub ee uu ku hayo Xassan Sheekh.

Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa bilihii ugu danbeeyay iska fogeynaayay inta badan asxaabtiisa waxa ayna tani ku noqoneysaa caqabad hor leh oo kaga imaaneysa dhanka ololihiisa.

Lama oga saameynta Madaxweyne Xassan Sheekh uu kala kulmi doono calaaqo xumida kaga imaaneysa dhanka dowladahaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com