Dowladda Norway oo cadaadis ku heysa guddoomiye JAWAARI

Oslo (Caasmada Online) – Dowlada Norway, ayaa bilowday inay cadaadin saarto Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Cadaadinta ayaa la sheegayaa inay salka ku heyso doorashada dalka ee la filaayo inay dhacdo bilaha fooda nagu soo haya.

Dowlada Norway, ayaa Guddoomiye Jawaari ku cadaadineysa inuu kamid noqdo musharaxiinta u taagan doorashada Somalia, iyadoo u ballanqaaday inay ka saacidi doonto dhanka dhaqaalaha.

Norway waxa ay Jawaari u ballanqaaday inay gaarsiin doonto ilaa xad keliya isagana looga baahan yahay inuu la imaado qorsho ay ku raali noqon karaan.

Norway, waxa ay sidoo kale, Jawaari u ballanqaaday in arrinta ololihiisa ay la kaashan doonto dowlado kale oo faraha kula jira arrimaha doorashada Somalia, hayeeshee Guddoomiye Jawaari ayaa dalbaday in la siiyo muddo kooban oo uu kaga soo tashanaayo fursadaani.

Jawaari ayaa isaga ku doodaya in xiliga lagu jiro uusan munaasib u arkin musharaxnimada, balse uu kasoo jawaab bixin doono codsiga kaga imaanaya dhanka dowlada Norway oo uu ka heysto dhalasho.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, ayaa isaga xiligaani ku howlan shacbiyad uraadinta Madaxweynaha xilka kasii dagaaya Xassan Sheekh Maxamuud.

Ma cada go’aanka Jawaari uu ka qaadan doono codsiga dowlada Norway ee ah inuu kamid noqdo musharaxiinta u taagan qabashada xilka Qaran.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com